Qiso Cajiib iyo Xikmad Badan Oo Dhex Martay Lamaane Isqabay (Waan hubaa waa ka heli doontaan)

Qiso Cajiib iyo Xikmad Badan Oo Dhex Martay Lamaane Isqabay (Waan hubaa waa ka heli doontaan)

daajis.com:-Yaasir wuxuu ku soonoqday Gurigiisa sida caadada u eheed kadib Waqti dheer oo uu ku soo qaatay Shaqadiisa iyo xafiiskiisa,waxaana guriga albaabkiisa kafurtay Maryama oo aheed Xaaskiisa, iyadoo aad u careysan waxaana meeshii ka biloowday dood iyo muran aad u xun.

Sida caadiga ah qooys waliba wuu dhexmaraa qilaaf mana ahan mid ku cusub Yaasir iyo xaaskiisa in dood iyo muran dhaxmaro, balse maanta si xad dhaaf ah ayeey u doodeen, ilaa markii danbe maryama ay yaasir weydiisatay furiin.


Yaasir arintii wuu ka carooday wayna u cuntami waysay inuu furo xaaskiisa uu aad ka u jecla.wuxuuna ku yari xaaskiisi:

“Abaayo bal isdaji oo sheeydaanka iska naar, miyaad waalatay”,
Waxay tiri “maya ma doonaayo inaan isdajiyo waa inaad I furtaa maanta waxkale oo socanaayo majiraan”
Yaasir wuu yaabay, markuu arkay xaaskiisa oo ku madax adeegtay in uu furo.

Yaasir wuxu jeebkiisa ka soobixiyay waraaq wuxuuna ku qoray sidatan:

“Anigoo ah yaasir Damiirkeeyga iyo maskaxdeeydana taam tahay waxan halkaan ku cadeeynaya inaan
Xaaskeeyga si xad dhaaf ah u jeclahay, mana doonaayo inaan Furo marnaba, raalina kama ihi qof aan ayada eheen”.

Wuxu dhexgaliyay waraaqadi bashqad, kadibna wuxu u dhiibay xaaskiisa, wuxuuna kabaxay guriga asiga oo careeysan.

Xaaskii yaasir xanaaqa oo ka tan badiyay dartiis maysan aqrin waxa waraaqada ku qoran waxayna saxiixday waraaqadi.

Yaasir wuxu iska aaday asxaabtiisa iyo magaalada, halka xaaskiisana ay guriga iska joogtay.

Mudo dheer kadib markii uu xanaaqi daayay maryama ayay dib iskugu laabatay waxeyna nafteeda kula sheekeysatay sidaan soo socota:

Naa balo hesho maxad sameeysay? Ninkaagi oo ad jecleed miyaad I fur kutiri maanta, Xageed aadeeysa hadii uu ku furo ? Waxaa maskaxdeeda ku soolaalaabtay Su’aalo fara badan oo ay isweeydiisay..

Laakiin waa goor ay caanuhu haruubkii ka daateeen.

Saacado kadib waxa gurigi ku soolaabtay Yaasir oo ka yimid magaalada.

Yaasir wuu iska iloobay xanaaqi iyo caradi, wuxuuna iska soogalay qolkiisi jiifka.
justify;"> 
Asagoon lahadlin xaaskiisa ayuu sitoos ah u soo abaaray qolkiisi, albaabkana wuu xirtay.

Daqiiqado kadib waxaa u soo garaacay albaabka xaaskiisi oo qeeylineeysa, oo leh
“Iga fur albaabka inaan kula hadlo ayan doonayaa”, ayeey ku tiri yaasir.

Yaasir oo si kor ah u hadlaaayo ayaa ugu jawaabay “maxaad dooneeysa?”
Waxay bilaawday ineey codkii u jilciso oo si dabacsanaan ku jirto kula hadasho yaasir.

Waxeyna mar kale ku tiri “Waan ku tuugaa Yaasirow iga fur albaabka waxan raba inaan kula hadlo”

Yaasir wuu laba labeeyay maka furta ma iska dhaafta, marki danbe wuxu go’aansaday inuu ka furo
Yaasir xaaskiisi waxay bilaawday ineey ooydo ayado ilintu ka da’eeyso ayeey ku tiri
“bax oo soo weeydii shiiqa dariskeena ah in hadii xaaskeeyga oo careeysan iga dalbato Furiin,  aniga oo careeysan kadibna aan waraaq ugu qoro ma iga furmeeysa mise maya” ayeey tiri xaaski yaasir

Marayama ma oga in waxa warqada ku qoran eysan eheen furiin.

Yaasir ayaa weeydiiyay ineey ka shaleeyneeyso oo ayana ka xuntahay qaladka ay gashay, oo ayasan mardanbe u noqoneen wixi dhacay.

“waxay ku dhaaratay ilaahey magaciisa ineysan mardanbe ku dhihi doonin I fur iyo wax la mid ah waxana iga keenay caro mana u qasdin inaad I furto ayeey ku tiri maryamo.

Yaasir aya ku yiri xaaskiisi.
“abaayo Fur waraaqda oo aqri horta waxa ku qoran?”
Waxay aqrisay hadalki uu yaasir waraaqada ku qoray oo aha inuusan diyaar u eheen inuu furo xaaskiisa
Uuna aad u jecel yahay.

Faraxad darted Maryama way rumeeysan weeysay waxa ku qoran waraaqada, ilin aya ka soo dareertay indhaheeda, waxay bilaawday ineey Yaasir u mahadceliso.

Maryama waxay u noqotay cashar lama iloobaan ah dhacdadaasi, waxayna dib u wanaajisay xariirki Ku dhawaaaday inuu bur-buro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada