Qiso Layaab Leh:- Wiil Gabar Soo Donay, kadib maxuu La kulmey!!

Qiso Layaab Leh:- Wiil Gabar Soo Donay, kadib maxuu La kulmey!!

daajis.com:-Nin Dhalinyaro ah ayaa Gabar Doontay, Gabadhii Aabaheed iyo Wiilki ayaa wada Fariistay, Odaygii wuxuu ku yiri Wiilkii:- Wiilkeeyga intaadan Adiga wax ii Sheegin oo aadan Warkaaga i siin waxaan Rabaa inaan wax ku Weydiiyo.

Wiilkii Asagoo Faraxsan ayuu yiri:- Adeer i Weydii waxaad Rabtid.
Odaygii ayaa yiri:- Wiilkeeygiyoow Goormee ayaa la Adimaa Salaadda Subaxa (Salatul- Fajr)?

Wiilkii wuu yaabay, Wajiga ayaa Guduutay, Indhaha ayuu Taagay, ka dibna Jawaabo kala Gedisan oo ayuu Bixiyay, Isagoo marna Dhahaayo 03:45, marna 04:45, marna 06:10.

Odaygii ayaa ku yiri
Wiilkii:- Adeer waad Mahadsan tahay, Badeecada aad iga soo Raadisay waa Qaali, umana Maleeynaayo inaad igala Wareegi kartid.

F.G:- Odaygu wuxuu Ogaaday inuusan Wiilkaas aanu aheyn mid Salaadda Tukada, ama ku Wanaagsan Dhanka Salaadda, Salaaddana waa Sheeyga ugu horeeya ee lagu Ogaado Qofka Muslimnimadiisa, ileen waatuu Nabigeena CSW, nagu yiri:- Qofkii Salaadda ka Taga Wuu Gaaloobay. 

Sidaasi darteed Sababtaas ayaa keentay inuu Odaygu Wiilku uu u diido Gabadhiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada