Qiso Xanuun Badam : Nasiibku Wuu Ikaa Baray, Balse Iguma Kaa Simin, Qisada Isbuuca Iyo Qalinka Waasuge’. !!

Qiso Xanuun Badam : Nasiibku Wuu Ikaa Baray, Balse Iguma Kaa Simin, Qisada Isbuuca Iyo Qalinka Waasuge’. !!

daajis.com:-Wacan oo wanaagsan aqriste meel kastoo dunida kaga nooshahay kuna soo dhawaaw qisada isbuuca.

Bilowga QiSada: Mudan inaad ka sheekeyso maalmahii ku soo marey ee noloshaada hab kastooy adiga kugu soo mareenba hadii aay ahaan laheed dhibaato,dhaliil ama dheef iyo dhaxal aan kaa gureyn labadaba.

Aqriste qisadaan oo ah mid dhabta ku qotanta waxaan ku baran doonaa hadii Allaha awooda sare leh raali ka ahaado wanaagu in uusan dheelinin si kasta oo dhabaato usoo gaadho ama qadarta Rabbi ugu dhacdaba.Cali” Waxa uu qisadiisa diiwaan uga dhigey hal ku dhig macno buuxa sameynaye kolka aad indhaha ku dhufatana aan filaayo inuu saamayn uun kugu yeelan doono. Bal aan gudaha usii dhaadhaco iyo dulucda.
aliCali waxuu maalin uusan iloobi doonin la kulmay NaSra oo aheed gabar boogosho dalxiis ku soo gaaray mid ka mid ah gobolada dalka ayadoo kasoo socdaashay magaalada muqdisha ee caasimada dalkeena, barashadii ugu horeeysay oo ku dhacdey si ‘Kama’ ah loogama horaynin Cali ee waxuun baa ku bidey maankiisa, waqtigu ma ahayn mid ku haboon hadal is haasaawe kale maadaama halka lagu kulmey uun aheed meel la isku dhaafo dadkuna aad ugu badnaa. Waxuuna halkaa ka bilaabey sahan iyo saadaalin.

Dadaal badan ka dib waxaa suura gashay barasho caafimaad qabta ee dhax martay Cali Iyo NaSra taasoo loogu gogol xaarayo sidii looga anba qaadi lahaa is xog wareysi gaarka iyo u gogol dhigida xiriir lamaane. Rabbi wuu u fudeed yeeley Cali dhamaan baahidiisii ku aadanayd NaSra oo way usuura gashay in aay gacantiisa soo gasho,halkaasna waxaa ka hana qaadey jaceyl ugub ahaa iyo ayaamo aadmiga u wada gaar ah.

Sidii aad la socotoba waxaa idlaanayo maalmahii fasaxa ee iskuulka waxaana lama huraan noqoneysa in dib loo laabto nasra waxa aay ka mid tahay dadka laabanayo halka cali qudhiisu isu diyaarinyo waxbarashadiisa. Balan wada hadal dheer iyo fadhiyo fara badan waa la is qanciyey midba midka kale waxuu ka qosliyey ugu danbeytiina nasra waa la soo dhaweeyey oo la keeney boosteejadii gawaarada cali iyo asxaabtiisa yaa keeney.

In kastoo hakad ku yimid noloshii maalmaha hore hadane dantu kaa adage waxaa loo wada xariiri jirey si habsami la,aan ah had iyo jeerna waa la iska war qabaa, jaceylkii wuu sii baaxad waynaadey waxaan lama huraan noqotay inuu midkood soo ruqaansado oo midka kale ugu yimaado magaalada uu joogo si halkaa la iskula noolaado ugu yaraana ls isku arko, taasina waxaa dhab ka yeeley cali oo usoo nolol badashay xamar.

Barwaaqo iyo bidhaamo quruxsan maalmo boqran iyo caashaq bil dhalad ah ayaa ka hir galay dhaxdooda kaas oo saameyn buuxda ku wada yeeshay dhalintii aqoonta u laheed labadooda, NaSra waxa lagu xasuusta in aay asxaabteeda gabdhaha ah kula talin jirtay inaan bilaha fasaxa ah aadaan gobolada dalka si aay usoo dhadhamiyaan nolosha dhabta ah iyo jaceylka dhabta ah labadaba, waxay oran jirtay safar qayr sita bu ahaa.

Intaas Ha inooga filnaato dhankii ‘NaSiibku Wuu Ikaa Baray’ oo aan ku eegney waqtigoodii farxada lahaa.


Bal markaana aan u dhaadhacno, Qaybtii labaad oo ah ‘BalSe Iguma Kaa Simin oo ah dhankuu murugada.

Ka dib dhameys tirka warbarashada dugsiga sare Nasra iyo qoyskeeduba waxa aay ka soo hayaameen dalka ayagoo usoo boqoolay dibada una sii talaabay qaarada yurub halka Cali uu wali muqdisho ku dhax noolaa. Waxaa daciifey xariirkii dhaxdooda ahaa maadaama la kala fogaadey nasra waxaa la soo darsay nolol ka duwan tii dalkii hooyo halka calina uusan awood u yeelan ka daba imaashada gacalisadiisa nasra, in kastoo la wada balamay hadana baahidii ayaa tan badatay. 3sanno ka dib wax is badal ah ma jiraan oo xaalku wali waa sidiisii, nasra waxa aay waalidkeed u sheegtey in aay dooneyso inay guursato Cali oo aay xariir wada lahaayeen oo soomaaliya ku nool. Balse waalidkii NaSra arinkaas wuu ka biyo diidey waxa aayna sabab uga dhigeen in leenka nasra ka banaan oo ah qofka aay soo wadi karto loogu talay galay abtigeed yaasiin oo la dhashay hooyadeed, si kastaba hadalkaasi waxuu caqabad ku noqdey rajadii iyo balantii aay wada galeen cali iyo nasra, waayo xataa hadii la is guursado ee laba meel lagu kala noolaanayo ma dhameeys tirna nolosha.

Cali waxa uu qaatay go,aan adag aadna u dhib badan kaas oo ahaa in aay si cafiyaan asaga iyo nasra oo qofba halka uu ku nool yahay ka kaluumeeysto, maadaama qorshahoodu suura gal noqon waayey, waqtiguna aad u cararaayo, ugu danbeytiina ayadoo colaad,caro iyo cuqdad jirin ayaa sidaas la isku macsalaameeyey bye.


Sidaas ayeey ku dhacdey qisada ah ‘NaSiibku Wuu I Kaa Baray, Balse Iguma Simin, Waxaan Soo Wada Dhawaynayaa Fakarka MaCaamiisha Sax Iyo Qalad Midka Aay Saari Doonaan Lamanayasha Cali & NaSra.

Qalinkii waasuge intaas ayaan isbuucaan ku soo gaba gabaynayaa inta aan dib u kulmi doonanan waa Sxb ‘WaaSuge’ oo idin wada leh dhamaantiinba Soomaaliyeed Nabad. AsC Wr Wb


Qalinka: Ismail Abdi Aden ‘WaaSuge’
Dhaxalka: Cali
Shimali02@hotmail.Com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada