Sheekh Fu'aad Shangole oo Fariin Xasaasi ah u diray Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Sheekh Fu'aad Shangole oo Fariin Xasaasi ah u diray Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya

daajis.com:-Sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf (Shangole) oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa fariin gaar ah waxa uu u diray Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Fu'aad Shangole ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka toobad keenaan qaladaadka ay ku jiraan , waxa uuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay gumeesi hor leh dalka galinayaan.

Sargaalkan katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay kasoo laabtaan la shaqeynta waxa uu ugu yeeray Cadawga kana qeyb qaataan difaacada Dalka iyo diinta.

“Waxaan si gaar ah ula hadlayaa kuwa Baarlamaanka fadhiya alle u towbadkeena towbadiina waa la aqbalayaa waa in ay kuraasta ka kacdaan, dalkiini waa la qeybsaday oo cadawgii ayaa Afar ukala qeybsanaya”ayuu yiri Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf.

Sheekh Fu'aad Shangole ayaa tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Dowlada ay yihiin dad Soomaaliyeed balse ay ku dhaceen Riddo markii ay cadawga lasoo safteen ,sidaasi daraadeedna Towbadkeen looga baahanyahay si ay uga qeyb qaataan difaaca dalka.

Hadalka kasoo baxay Sargaalkan katirsan Al-Shabaab ayaa imaanaya xili Dowlada Federaalka Soomaaliya ku hawaaqday Dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab oo lagu qaado gobolada iyo Deegaanada ay dalka ka joogaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada