Top News:- Ciidamada Dowlada & kuwa AMISOM marka ay weerarka ku yihiin goobaha Al Shabaab cida sheegto oo la ogaaday

Top News:- Ciidamada Dowlada & kuwa AMISOM marka ay weerarka ku yihiin goobaha Al Shabaab cida sheegto oo la ogaaday

daajis.com:-Waxaa markii ugu horeeysay la ogaaday dadka kashifa howlgalka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo marar badan Al Shabaab ku qaaday weerar saf balaaran ah balse Ururka Al Shabaab ayaa inta badan saacado ka hor iskaga baxo goobaha ay xoogaga huwanta ah ku soo fool leeyihiin .

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo dagaal saf balaaran ah ku qaaday Deegaanka Gendershe oo ku yaala Gobolka Sh/Hoose ayaa saacado ka hor waxaa goobtaas iskaga baxay intii aan la soo gaarin Ururka Al Shabaab oo tobaneeyo Tikniko ah watay waliba dhoor sanadood xukumayay deegaankaas.

Nin ka mid ah dadka deegaankaas oo la qabtay ayaa u sir waramay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay oo kashifay in rag iska dhigi jiray Beeraleey iyo xoolo dhaqatada deegaankaas aysan run ahaantii aheyn dadka deegaankaas balse ay ahaan jireen rag ay soo dirsatay Al Shabaab si loo ogaado dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM .

Ragaan oo Beeraleey iyo xoolo dhaqato iska dhigi jiray waxeey sheegaan ama kashifaan marka ay Taangiyada iyo Tiknikada dagaalka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM u ruqaansadaan dhanka goobaha ay fadhiyaan Ururka Al Shabaab.

Degmooyin badan oo ku yaala gobolka Sh/Hoose waxaa dagaal saf balaaran ah ku qaaday oo dhoor jiho ka soo galay Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM balse mar kasta xoogagaan ayaa yimaada magaalooyinka ay qabsadeen oo Al Shabaab ka guurtay saacado yar ka hor inta aysan gudaha u soo galin (Yaab) .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada