Daawo Sawirada:- Ciyaaryahan Soomaaliyeed Oo Ka Qeybgalaya Isreeb-reebka Judowga Aduunka

Daawo Sawirada:- Ciyaaryahan Soomaaliyeed Oo Ka Qeybgalaya Isreeb-reebka Judowga Aduunka

daajis.com:-Ciyaaryahanka 20- sano jirka ah ee Maxamed Cabdull-xakh Maxamed ayaa ka qeybgalaya isreeb-reebka taratanka Judo-ga (legdanka)aduunka ee kama danbeystiisa lagu qaban doono dalka isu-taga Imaaraadka Carabta UAE sanadkan.

Maxamed Cabdi xakh ayaa waxaa dhalay sida magaciisa ka muuqata Tababare Cabdi Xakh oo lagu xusuusto xulkii gobolka J/Hoose ee kubadda cagta, kaasi oo iminka leyliya koox Ajnabi ah oo ka dhisan magaalada Perth ee dalka Austrelia.

Maxamed ayaa waxaa uu metelayaa xulka dalka Austrelia oo dhowaan liiska ku darsatey markii la arkey dadaalkiisa ciyaarta Judow-ga oo uu ka qeybgalay tartamo badan oo gudaha ka dhacay, isagoo ka guuleystey ciyaaryahano waaweyn oo looga dambeeyey ciyaartaasi gaar ahaan Biladdii dahabka ee (Australian Brazilian jiu jitsu state championship in the weight division of 85 kg).

Maxamed Cabdul-Xakh iyo ciyaaryahano kale ayaa waxaa ay gaareen dalka Japan,halkaasi oo ay kaga qeybgali doonaan Isreeb-reebka tartanka Judo-ga aduunka oo final-kiisa leysugu tegi doono dalka Imaaradka carabta magaaladiisa Dubai .

Bahweynta Sportiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u rajeynayaan xidigaasi Soomaliyeed Guul insha allaah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada