Daawo Sawirada:- Sadax Wiil oo Walaalo ah oo Dilay Hooyadood kadibna cunay Xubno jirkeeda kamid ah

Daawo Sawirada:- Sadax Wiil oo Walaalo ah oo Dilay Hooyadood kadibna cunay Xubno jirkeeda kamid ah

daajis.com:-Sadax Nin oo Walaalo ah una dhashay Dalka Filibiin ayaa lagu eedeeyay in si si naxariis dara ah u dileen Hooyadood kadibna ay cuneen Xubno jirkeeda kamid ah sida beerka , kilyaha iyo Wadnaha.

Dad daris la ahaa qoyskan ayaa sheegay in Guriga ay ka maqlayeen cod aad u qaab daran oo guriga falka uu ka dhacay kasoo baxayay kahor inta aan la helin Meydka Haweeneyda lagu Magacaabo Musala Amil oo 56-sano jir aheed.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Deegaanka lagu Magacaabo Ampatuan ee Dalka Filibiin , Ciidamada Booliiska Deegaankaasi ayaa shaaca ka qaaday in Meydka Haweeneydan markii ay baareen ay arkeen xubno jirkeeda ka mid ahaa oo ka maqan lana cunay iyo dhiig badan oo dureera halka lagu dilay Haweeneedan.

Sadaxda Nin ee lagu eedeeyay in Hooyadood dileen kadibna cuneen Xubno jirkooda kamid ah ayaa lagu kala Magacaabaa Dante, oo 35-sano jir , Paroy, 21 sano jir , iyo kan ugu yar Ibrahim oo 18-sano jir ah .

Wiilashan ayaa dhamaantood beeniyay falkan lagu eedeeyay , Booliiska ayaana baaraya in sadaxdan nin lagu eedeeyay Dilka hooyadood in ay maskax ahaan fiyoobaayeen , waxaa sidoo kale ragaan looga shakisan yahay in ay isticmaaleen maandooriye.

Xigasho Dailymail






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada