Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin Dad badan ku dhinteen oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin Dad badan ku dhinteen oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Ismiidaamin ah oo goor sii horeesay lagu weeraray goob Maqaayad ah ku dhaw Xarunta Hay'ada Nabad Sugida Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaa oo lagu qarxiyay goob Maqaayad ay inta badan fariistaan Ciidamo katirsan Hay'ada Nabad Sugida oo kutaala meel ku dhaw halka loo yaqaan Baar Fiat.

Inta la xaqiijiayay 9-qof oo isugu jira Shacab iyo ciidan ayaa ku dhintay weerarka Ismiidaaminta ah , waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray dad kale oo badan kuwaa oo loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa xiray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay , waxaana Ciidamada ay ridayeen rasaas ay ku kala eryayaan dadka kasoo agdhawaaday halka uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah.

Gaadiidka Gurmadka Deg dega ayaa daad gureenayay dadka dhaawacyada uu kasoo gaaray weerarka ismiidaaminta ah kuwaa oo la sheegay in qaarkood ay qabeen dhaawacyo halis ah.

Ma jiro ilaa wali wax hadal oo kasoo baxay Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya oo ku aadan weerarka ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho , waxaa sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

Weerarka ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili jimcadii nasoo dhaaftay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu qaaday weerar aad u cuslaa oo masuuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

Waxii Faah Faahino iyo Sawiro kala soco Wararkayaga Dambe ee Daajis.com Insha Allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada