Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Dharkeenley oo lagu dilay degmadaas

Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Dharkeenley oo lagu dilay degmadaas

daajis.com:-Gudoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Dharkeenley ayaa maanta waxay kooxo hubeysan ay ku dileen isla degmadaas, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay soo badanayeen ugaarsiga lagu hayay Gudoomiye waaxeedyada ka tirsan degmooyinka.

Sida wararku sheegayaan Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Sandheere, waxaana dilay kooxo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo baxsaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxo dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolado ay dileen Gudoomiye waaxeedka, kadibna ay baxsadeen.

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa ka hadlin dilkan ka dhacay xaafada Suuq Liif, waxaana uu noqonayaa dilkii labaad oo 24-saac gudahood ka dhaca degmadaas.

Shalay ayay aheyd markii Haweeney ay ninkeeda oo ka tirsanaa Wasaarada Arrimaha gudaha ay toogasho ki dishay.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa soo kordhayay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana todobaadkan gudihiisa lagu dilay Muqdisho ilaa lix ruux.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada