DAAWO VIDEO:-Sheeko xanuun badan oo ka dhacday Muqdisho

DAAWO VIDEO:-Sheeko xanuun badan oo ka dhacday Muqdisho

daajis.com:-Waxaa shaki ku jirin in weli Soomaaliya uu ka jiro hab-dhaqanka xun ee lagu takooro dad Soomaaliyeed oo aan lagu muransaneyn Soomaalinimadooda, iyadoo takoorkaasina dad badan ay nolosha ka riday, niyana u hayn iney waxbartaan maadaama ay aaminsanayeen si walba oo ay wax u bartaan noloshooda iyo dhaqanka xun ineysan wax iska badaleyn. 

Taariikh rasmi ah ee keentay takoorka iyo faquuqa dad Soomaaliyeed oo lagu fogeeyo shaqadooda ayaan laheyn.

Sheeko xanuun badan oo arintaasi sal ku leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii Ugaaska beesha Maxamed Gorgaate Ugaas Ibraahim Geeddi Jimcaale (Shookaali) uu wiil uu adeer u yahay u doonay gabar kasoo jeeda beelaha kale, markii sooryada laga geeyay ee la duceystay kadibna ay reerkii gabadha ogaadeen in wiilka uu kasoo jeedo beelaha la heyb sooco. waxaana intii aysan guriga ka bixin si cad gabadhii gaari lagu kaxeeyay iyadoo xerxeran, iyadoo la yiri wiil aan ku geyn ayaa guursatay.

Arintan xanuunka badan ayaa waxay ku dhacday wiil uu adeer u yahay Ugaas Shookaali, kaasoo jaceyl u qaaday gabadha loo doonay, balse aakhirkii reerka gabadhii ay awood u sheegteen gabadha oo silsilad lagu xeray, iyadoo lagu yiri Eey baa lug ku geliyay.

Dhacdadan xanuunka badan ayaa weli ka jira magaalooyinka qaar, iyadoo aan la ogeyn dhaqankan xun sida looga tegi karo.

HALKAN KA DAAWO SHEEKADAN XANUUNKA BADAN


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada