Xiriirka Mareykanka iyo Madaxweynaha Afganistan Xamiid Karzai oo meel xun gaaray

Xiriirka Mareykanka iyo Madaxweynaha Afganistan Xamiid Karzai oo meel xun gaaray

daajis.com:-Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay uu mad madow xaga fikirka ah uu u dhaxeeyay Mareykanka iyo Madaxweynaha Afganistan Xamiid Karzai ayaa Madaxweynaha Mareykanka ku hanjabay in ciidamadiisa kala baxayo Afganistan marka uu dhamaado sanadka 2014.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo dhigiisa Afganistan Xamiid Karzai ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, iyagoo is dhaafsaday erayo kulul, waxaana Madaxweyne Obama uga digay inuu ciidankiisa la baxayo.

Labada nin ayaa isku khilaafsan saxiixa heshiiska ammaanka oo dhigaya in inta ay ciidamada ka soo bixin Afganistan ay ku haraan ciidamo, si ay u tababaraan ciidamada Afganistan, gacana uga siiyaan la dagaalanka Taliban.

Madaxweynaha Afganistan ayaa diidan inuu saxiixo heshiiska, isagoo shardi uga dhigay in marka hore la wada hadlaan ururka Taliban.

Mareykanka ayaa dhowaan aad uga xumaaday maxaabiis uu sii daayay Madaxweynaha Afganistaan, kuwaasoo u badnaa dad waayeelo, waxaana Mareykanka sheegay inay ahaayeen dagaalyahao ka tirsan Taliban.

Xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Madaxweynaha Afganistan ayaa sii xumaanayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana mar uu hadlay Afhayeenka Aqal cad Jay Carney uu sheegay in Wasaarada Gaashaandhiga ay diyaar u tahay inay sameyso wax walba oo suura gal ah.

Heshiiska Obama iyo Karzai ay ku muransan yihiin waxaa horey u saxiixay odayaasha qabaa'ilka Afghanistan ee loo yeqaano Loya Jirga.

Ciidamada NATO iyo Mareykaka ayaa Afganistan ku sugan, kuwaasoo dagaal kula jira Ururka Taliban, waxaana Mareykanka iyo xulufadiisa ay sanadkii 2001 ay xukunka ka tuureen Ururkii Taliban ee heystay Afganistan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada