Deg deg+Dhagaysi: Maamulka Jubba oo Dawlada Xasan Sheekh Udiiday Inuu Ku Wareejiyo Garonkii & Dekedii Kismaayo

Deg deg+Dhagaysi: Maamulka Jubba oo Dawlada Xasan Sheekh Udiiday Inuu Ku Wareejiyo Garonkii & Dekedii Kismaayo

daajis.com:-Xilli Maanta oo Khamiis ah (27-kii February) waxaa ku eg xilligii lugu balla-may in dowladda faderaalka Soomaaliya la waregto dekedda magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaraddaha,kaddid heshiiskii ay ku gaaren Addis Ababa dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Heshiiska labada dhinac ay ku kala saxiixden magaalada Addis Ababa,waxaa uu dhigayey in muddo lix bilod ah ay maamulan dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo maamulka Jubba,kaddibna dowladdu ay si rasmi ah ula weregto maamulada labada il ee dhaqaalaha Kismaayo.

Xilligaan maamulka Jubba waxaa ay si cad u sheegen inaysan ku warejin doonin dowladda faderaalka,maadaama ay sheegen inan la dhaqa galin qodobbadi kale ee ka horeyey wareejinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

HALKAN DHEGAYSO WARAYSI &  JUBBA OO KA BAXDAY HESHIISKII 


Wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubba, Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ka hadley arrinta la xirirta haddii uu dhammaaday waqtigii uu ku eka warejinta dekedda sida ay ka yeelayan,waxaa uu sheegay in wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ay ka horreeyaan hirgelinta dhammaan qodobbadii heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii August ee sanadkii la soo dhaafay ay gaareen maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu Sheegay In Dawladii Soomaliya Ay Fashilantay Xamarna faraha Kabaxday, Cid wax Lagu Wareejinaya Aysan Joogin, Sidoo kale Waxaa la waydiiyey waxa Dekeda iyo Garoonka Kismaayo Ugau Duwan yihiin kuwa Berbera iyo Boosaaso  ee Dawladu Ugu Dhegtay ?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada