Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee jooga Gobolada Dhaxe oo la siiyay amar Culus

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee jooga Gobolada Dhaxe oo la siiyay amar Culus

daajis.com:-Taliska Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in dhawaan uu bilaaban doono howlgalo Al-Shabaab looga saarayo Degmooyinka iyo Deegaanada ay ka joogaan Gobolada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada guulo waa weyn ka gaareen howlgalo ay ka sameeyeen Gobolada Gedo iyo Bakool, waxa uuna intaa raaciyay Ciidamada Huwanta ah in hada gacanta ku dhigeen Degmooyin ay Shabaab maamuli jireen.

Col. Xumad ayaa xusay in Taliska ugu sareeya Ciidamada AMISOM in ay bixiyeen amarka howl galka qeybta 3-aad oo laga bilaabayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya , waxa uuna intaa raaciyay in Howlgalkaasi iska kaashan doonaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

‘’ Ciidamada Dowlda iyo kuwa AMISOM guulo waa weyn ayey ka gaareen howlgalkii ay kasameeyeen Gobolada Bakool iyo Gedo , waxaa hada dhaqaaqaya oo la amray Ciidamada Jooga Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud si ay Al-Shabaab uga sifeeyaan Goobaha ay goboladaasi ka joogaan ‘’ ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in Howlgalada ka bilaabanaya Gobolada Dhaxe in ay hogaamin doonaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya uu sheegay in dhawaan tababaro heer sareeya soo qaateen.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa laga doonayaa in Al-Shabaab kala wareegaan Degmooyin Dhoor ah ay kamid yihiin Buulo Burte,Jalalaqsi , Ceel Buur , Ceel Dheer iyo Degmooyin iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howgalka Ciidamada AMISOM ayaa durba bilaabay duulaano ay ku qaadayaan Degmooyin iyo Deegaano ay Al-Shabaab uga sugnaayeen Gobolada Bakool iy Gedo, waxaana hada la amray in Ciidamada Itoobiya ay duulaan ku qaadaan Goobaha Al-Shabaab ka joogaan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada