Haddii Arimahaan Isku Aragtaan , Jaceylkiina Daaqadda Ayuu Ka Sii Baxayaa

Haddii Arimahaan Isku Aragtaan , Jaceylkiina Daaqadda Ayuu Ka Sii Baxayaa

daajis.com:-Mararka qaar waxaa jira habacsanaan soo wareertay nolosha lamaanayaasha waxa ayna daajis haatan ku siineysaa 5- arin oo muujinaya in nolosha qoyskiina halis ay ku jirto .

1- Aamusnaan: haddii aamusnaan idin soo wajahdo oo wada sheekeysigii uu sii yaraanayo mar waliba oo aad fariisataan taasni waxa ay muujineysaa qalad ku jira xariirkiina , si xariiirka u lahaado xaraarad iska wareysta mar waliba xaalad maalmeedkiinii .

2- Caajis iyo Xiiso La`aan : haddii wada fariisigiina uu noqdo mid lagu caajiso wax waliba oo aad sameysaan yihiin wax aan dhadhan laheyn , hadaba seeriga digniinta ayaa albaabka u soo garaacay xariirkiina .

daajis ayaa idinkula talineysa si arintaas looga fogaado in aad yeelataan raaxo oo aad u baxdaan goobo cusub si xariirka caajiska looga qaado .

3-Dareen Aan Faraxsaneyn, Niyad jab, Nasiib Xun : haddii midkiina uu leeyahay dareen noocaas oo joogta ah dhab ahaan xariirkiina waddo qaldan ayuu ku socdaa , dareen la`aanta farxadda waa midda ugu daran , wadahadala si qaladka jira loo saxo loona abuuro jawi farxadeed oo cusub


4- In La Waayo Ama Ay Kala Fogaato Xilliyada Kulanka Naxariista : inkastoo dadka intooda badan ay iska indho tiraan mowduucaan hadana waxa uu saameyn ku leeyahay xariirka labada lamaane , kullamaa kulanka naxariista uu guuleysto waxaa guuleysanaya xariirka qoyska , kulanka sariirta waa furaha keena in labada lamaane isu xiisaan

5- Kalsoonida Oo Dhimatay : shakiga joogtada iyo kalsoonida daradda waxa ay nolosha labada lamaane ku keeneysaa wel wel , haddii taasi ay jirto waxaa qasab idinku ah in aad wada hadashaan si kalsoonida loo soo celiyo oo aad is wareysataan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada