Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay xarunta labaad ee Al-Shabaab ugu weyn

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay xarunta labaad ee Al-Shabaab ugu weyn

daajis.com:-Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku biiray AMISOM oo iskaashanaya ayaa galabta dagaal culus kula wareegay degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

Degmada Rabdhuure ayaa lagu sheegaa xarunta labaad ee ugu weyn xarunta Al-Shabaab marka laga soo tago Baraawe.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom ee Itoobiya, ayaa saakay ku dhaqaaqay Degmada Rabdhuure, waxayna halkaasi dagaal muddo saacado qaatay, ay kula galeen Xoogaga Shabaab.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dhaliyay dagaalkaasi oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa iney dagaal aad u xoogan kala hortageen Ciidamada is garabsanaya, laakiin dagaalka oo saacado qaatay kadib Ciidamada huwanta waxaa u suurta gashay ineey qabsadaan magaalada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada