Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta oo Safiiradoodii u fadhiya Qadar u yeertay

Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta oo Safiiradoodii u fadhiya Qadar u yeertay

daajis.com:-Khilaaf xoog leh ayaa soo kala dhex galay wadamada Golaha Iskaashiga Khaliijka, iyadoo dowladaha Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay la baxeen safiiradoodii u fadhiya Qadar.

Sacuudi Carabiya, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabka ayaa ku eedeeyay dowladda Qadar inay fulin weysay heshiiskii xaga ammaanka oo ay wada gaareen dalalka Khaliijka sanadkii hore.

Dalalkan ayaa sheegay in dowladda Qadar aanay ka soo bixin fulinta heshiiskaas, waxaana ay sidoo kale ku eedeeyeen fara gelin ay ku hayaan dalalka qaar ah.

Sidoo kale dalalkan ayaa waxay dalbadeen in Qadar ay iska ceyriso wadaadka muftiga ah ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo saldhigiisa yahay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Dowladda Qadar ayaa lagu xaglinayaa dhinaca Ikhwaanul Muslimiinka Masar inay taageersan tahay, sidoo kale waxaa laga dalbaday inay xirto telefishinka Al-Jazeera oo dhowaa soo bandhigay ceebaha Carabta.

Qadar ayaa sheegtay in aanay ka jawaabin doonin tallaabadan dalalkan ay ugala baxeen safiiradooda u fadhiyay magaalada Doxa.

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa waxaa ka kooban ilaa lix dal oo kala ah, Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, Qadar, Cumaan iyo Kuwait, waana dalalka dhaqaalahooda aad u sareeyo.

Fakirkaada ka dhiibo arinkaan looga dalbanayo Qadar inay buriso Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada