Warar Dheeraat ah;- oo ka soo baxaya Iska hor imaadkii ka dhacay Baydhabo iyo xiisado siyaasadeed oo ka jira

Warar Dheeraat ah;- oo ka soo baxaya Iska hor imaadkii ka dhacay Baydhabo iyo xiisado siyaasadeed oo ka jira

daajis.com:-Xaalada magaalada Baydhabo ayaa saakay degan, kadib iska hor imaad uu ku dhintay Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Baay oo shalay halkaas ka dhacay, iyadoo magaalada ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dhinacyada ku leh shirarka iska soo horjeeda ee maamulada lagu dhisayo.

Iska hor imaadkii shalay oo dhex maray ciidamo milateri iyo boolis ayaa waxaa ku dhintay ilaa shan ruux, halka in ka badan tiradaasna ay ku dhaawacmeen, waxaa la soo sheegayaa in labada ciidan la kala dhex galay.

Sida wararku sheegayaan iska hor imaadka ayaa ka dhashay markii ciidamada milateriga oo galbinayay gawaari ay diideen in ciidamo boolis ahaa oo ku sugnaa bar koontarool in la marsiiyo, taasna ay keeentay in labada dhinac ay kala galaan aag, dabadeedna rasaas isla dhacaan.

Xiisado siyaasadeed ayaa ka jira magaalada Baydhabo, iyadoo lagu wado maanta in dhinacii maalmo ka hor doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya ee lixda Gobol inay caleema saartaan.

Madoobe Nuunow oo loo doortay Madaxweynaha maamulkaas ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo horumarka gobolada, amniga iyo xiriirka dowladda Federaalka, inkastoo dowladda ay horay u cadeysay mowqifkeeda oo ah in aysan aqoonsaneyn maamulkaas.

Dhinaca kale ergooyinkii u fadhiyay shirka maamul u sameynta saddexda gobol ayaa sheegay in dhowaan Madaxweyne dooran doonaan, waxaana ay ka dhawaajiyeen in munaasabada lagu soo dooranayo Madaxweynaha ka soo qeyb geli doonto dowladda Federaalka, Urur goboleedka IGAD iyo Ergeyga Qaramada Midoobey.

Xiisadahan siyaasadeed ee ka taagan magaaladan Baydhabo ayaa waxaa si toos ah ugu lug leh, dhinacyada ka soo jeeda gobolada qorshuhu yahay in maamulka loo sameeyay, waxaana arrintan xataa ay saameyn ku yeelatay Xildhibaanada Baarlamaanka oo labada maamul u kala safan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada