Daawo Muuqaal:- Gabdhaha la dhashay jilayaasha Soomaaliyeed ee filimka Captain Phillips oo Caan ka Noqday Maraykanka +Warbixin

Daawo Muuqaal:- Gabdhaha la dhashay jilayaasha Soomaaliyeed ee filimka Captain Phillips oo Caan ka Noqday Maraykanka +Warbixin

daajis.com:-Gabdhaha la dhashay jilayaasha Soomaaliyeed ee filimka Captain Phillips ayaa waxaa la sheegay inay u ahayd habeen naxdin iyo wel wel leh ayagoona wadnaha farta ku haayey oo ayna rajeynayeen inay arkaan jilaaga Barkhad Cabdi oo ku guuleysta abaalmarinta ugu qiimaha badan ee laga bixiyo filimada ee loo yaqaan Oscarka 


Gabadhaan oo lagu magacaabo Cafiifa Cabdi oo ah walaasha la dhalatey jilaaga ama aktarka ugu caansan Soomaalida ee Barkhad Cabdi oo dhawaantaan soo xaadirtey inay goob joog u ahaata xaflada lagu bixinaayey abaalmarinta ugu qaalisan filimada ee Oscarka loo yaqaan oo uu u sharaxnaa walaalkeed ayaa waxaa nasiib daro dhacday inuusan walaalkeed ku guuleysan abaalmarinta Oscarka ah Laakiin gabadhaas ayaa waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inuu walaalkeed uu soo gaaro heerkaas mudo yar oo kooban islamarkaana uu ka mid noqdo aktarada ugu caansan aduunka, Sidoo kale ayaa waxaa goobtaas ku sugnaa Muna Axmed oo ah gabar la dhalatey Faysal Axmed oo ka mid ahaa jilayaasha filimkaas Captain Phillips iyadoona sidoo kale soo dhaweysay heerka caalamiga ah ee uu gaarey walaalkeed, Gabdhahaan Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob si aad ah loo qurxiyey oo ku taala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa intii lagu dhawaaqaayey natiijada waxay u ahayd mid naxdin iyo wel wel ah maadaama ay la jeclaayeen guusha Barkhad Cali, Gabdhahaan Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa waxay si LIVE ay kala socdeen telefishinka xafladaas lagu bixinaayey abaalmarinta oo iyadu ka dhacaysay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka. 

Ugu dambeyntiina iyadoo jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi aysan u suuro galin inuu ku guuleysto abaalmarinta Oscarka ayaa waxaa abaalmarinta uu u sharaxnaa oo ahayd Best Supporting Actor oo ay kula tartamayeen ilaa iyo 4 aktar oo kale waxaa ku guuleystey aktar ama jilaa u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Jared Leto oo jilaayey filimka lagu magacaabo Dallas Buyer's Club, Jilaaga Barkhad Cabdi oo mudo kooban ku jirey shaqadaan jilaanimo ayaa waxaa uu ku guuleystay dhowr abaal marinood oo ay ugu dambeysay abaalmarinta filimada ee laga bixiyo dalka Ingiriiska ee loo yaqaan BAFTA oo uu dhawaantaan uu ku guuleystay. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada