Daawo Sawirada :- Saxafiyiinta Magaalada Muqdisho oo la barayo qaabkii ay uga fikiri lahaayeen amaankooda

Daawo Sawirada :- Saxafiyiinta Magaalada Muqdisho oo la barayo qaabkii ay uga fikiri lahaayeen amaankooda

daajis.com:-22-Saxafi oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala magaalladda Muqdisho waxaa maalintii shalay loo furay Tababar lagu baranayo sida ay Suxufiyiinta uga fekeri lahaayeen ammaankooda.a iyo badbaadadooda.

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federalka, Md. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Furitaanka Tababarkaasi ayaa u mahadceliyey Hay’addaha Saxaafadda ee Article 19 iyo SIMHA dadaalka ay ugu jiraan inay Suxufiyiinta Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadda Tababaradda iyo Kor-u-qaadista Aqoontooda.

Wasiirka waxa uu ballan qaaday inay Dowladda Somalia soo dhaweynayso Hay’ad kasta oo kaalin ka qaadanayso Horumarinta Saxaafadda Somalia

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee SIMHA, Md. Xasan Cali Geeseey oo ka hadlay Tababarkaasi ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedada seminarka loo qabtay iyo casharadda lagu baranayo.

Waxa uu si gaar ah qaababka ugu muhiimsan ee ay Suxufiyiinta ku sugi karaan Ammaankooda, kuna xafidi karaan Xogaha ama Daatooyinka uga kaydsan Kombiyuutaradda ama Farriimaha SMS-ka iyo daatooyinka kale eek u kaydsan Mobayaladda.

Mar uu ka hadlayey Waxqabadka Hay’adda Suxufiyiinta Caalamiga ee Article 19 waxa uu xusay inay Hay’addaasi kaalin muuqato ka qaateen Tababaradda la siinayo Suxufiyiinta iyo kaalmooyinka wax loogu qabanayo Suxufiyiinta la kulma dhibaatooyinka.

Waxa uu tilmaamay inay Hay’adda Article 19 wax u qabatay Afar Suxufi oo ka hawlgala Koonfurta Somalia, kuwaasi oo loo geystay jirdil iyo dhaawacyo.

Patrick Muthahi oo ah Khabiir Saxaafadeed kana mid ah Macallinta Hay’adda Article 19 ee Tababarka bixinaysa ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageeradda ay ka geystaan horumarinta aqoonta Suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u noqdaan Kaadiriin Saxaafadeed.

Khabiirka waxa uu carrabka ku dhuftay inay taageero caafimaad u fidiyeen qaar ka mid ah Suxufiyiinta ku dhaawacantay Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Pakistan iyo G/xigeenka Hay’adda SIMHA, Ismaaciil Khaliif oo iyagana ka hadlay Tababarkaasi ayaa ka mahadceliyey dadaalka ay Hay’adda Article 19 iyo SIMHA ugu jiraan Horumarinta Saxaafadda Somalia.

Salaad Iidow Xasan “Salaad Xiis” oo ka mid ah Tifaftirayaasha Website-ka Hiiraan Online oo ka mid ahaa Suxufiyiintii ka hadashay Tababarkaasi ayaa ka hadlay maraaxilladii kala duwanaa ee ay Suxufiyiinta ku soo hawlgeli jireen.

Salaad Xiis oo haatan fasax gaaban ku jooga Muqdisho, waxa uu tilmaamay inay Suxufiyiinta haatan haystaan jawi wanaagsan marka loo eego qaabkii adkaa ee ay sannadaha badan u soo dhabar adeegeen.

Si kastaba ha ahaatee, Tababarka ay Hay’addaha Saxaafadda ee Article 19 iyo SIMHA soo qabanqaabiyeen oo socon doona muddo labo maalmood waxay Suxufiyiinta ku baran doonaan casharo khuseeya Xaalladaha ay ku hawl-galaan Suxufiyiinta ku sugan dalalka ay colaadaha ka jiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada