Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Taliye Cusub loo Magacaabay Dagaalna u diyaar garoobay+Sawirro

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Taliye Cusub loo Magacaabay Dagaalna u diyaar garoobay+Sawirro

daajis.com:-Ciidamada Kumaandooska Soomaalliya ayaa dhawaan dib loo soo nooleeyay iyadoona loo sameeyay tababaro ay bixnayeen saraakiil Reer Galbeed ah , waxaa sidoo kale loo qeybiyay hub iyo saanad Milatari .

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Ciidanka Cusub ee Kumaandooska dhawaan ay ka qeyb qaadan doonaan Dagaalada looga horjeedo Dagaalyahanada Al-Shabaab oo wali kataliya Degmooyin iyo Deegaano badan.

Gen. Daahir Aadan Cilmi taliyaha ciidanka XDS ayaa tilmaamay in ururka Kumaandooska ee ciidanka xoogga dalka ay u dhanyihiin tababar iyo qalab intaba wuxuuna ku gooddiyay in ciidamada XDS ay dalka oo dhan ka xoreyn doonaan argagixisada Alshabaab.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa taliye waxaa looga dhigay Col. Xasan Maxamed Yuusf , Taliyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Kumaandooska hada diyaar yihiin ayna u dhan yihiin hubkooda iyo agabkii ay ku hool gali lahaayeen.

Dowlada Mareykanka ayaa maalintii shalay Ciidanka Kumaandoos Soomaaliya waxa ay u qeybisay Hub iyo Saanad milatari ay ku hool galaan , Ciidankan Kumaandooska ayaana noqonaya kuwii ugu horeeyay ee dalka ka howlgala tan iyo bur brkii Dowladii dhaxe.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada