Daawo:- film-ka Sweet Brown oo ay wada jili doonaan Barkhad Cabdi iyo Queen Latifah

Daawo:- film-ka Sweet Brown oo ay wada jili doonaan Barkhad Cabdi iyo Queen Latifah

daajis.com:- Jilaaga cusub ee Soomaaliyeed Barkhad Cabdi ayaa nasiib u yeeshay inuu ka mid noqday jilaayaal jilaya sheeko dhab ah oo ka dhacday magaalada Oklahoma City ee dalka Mareykanka, sheekada oo loogu magac daray Sweetbrown oo ah haweeney madow Mareykan.

Barnaamijka Sweet Brown oo noqon doono taxane ayaa ka bixi doono telefishinka ABC iyo Live Youtube waxayna wada jilayaan heesadaa hore ahna jilaa Queen Latifah oo jileysa Sweet Brown, Adam Driver oo jilaya Steve Jobs halka Barkhad laftiisa uu jilayo Madaxweyne Obama.

SweetBrown oo magaceeda runta ah kimberly ayaa caan ka noqotay sanadkii 2012-kii ka dib markii ay ka soo badbaadday dab ka dhacay dhismahii ay degenayd subaxnimadii aroortii ee 7-dii April 2012 ayaa waxay wareysi siisay telefishinka NBC iyadoo wareysigeeda ku dartay erayo shactaro ah oo ay ka mid ahaayeen Ain't Nobody Got Time for That, isla maalinkii waxaa la saaray codkeeda music iyadoo ay ka daawadeen YouTube malaayiin qofood.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada