Daawo Sawirada:- Al-shabaab oo saddex qof ku toogtay fagaare ku yaalla Magaalada Baraawe

Daawo Sawirada:- Al-shabaab oo saddex qof ku toogtay fagaare ku yaalla Magaalada Baraawe

daajis.com:-Al-shabab ayaa seddex nin oo ay ku eedeyeen basaasnimo ku toogtay degmada Baraawe.

 Al-Shabaab  ayaa  shalay goor dambe  ku toogtay  magaalada Baraawe  Saddex nin oo ay sheegeen in uu ku jiray nin uu adeer u ahaa madaxweynihii hore ee maamulka  Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Al-Shabaab ayaa  raga la toogtay ku eedeeyay in ay maleegeen  shirqoolo lagu dilay saraakiil sar sare oo xarakada Al-Shabaab ka tirsanaa  iyo in ay ku shaqeeynayeen hab basasniimo ah.
Raga la toogtay ayaa waxaa magacyadooda lagu ka kala sheegay:

1-Axmed Cabdullaahi Max’med Faroole, waxaa lagu eedeeyey in uu la shaqeynayay sirdoonka Puntland isagoona farmuuqi jiray ciidamada Alshabaab ee buuraha Goolis ku sugan, Axmed Cabdullaahi waxaa la sheegay inuu adeer u ahaa Cabdi Raxmaan Faroole hoggaamiyihii hore ee maamulka  Puntland. 


2-Maxamed Geelle Cabdulle oo lagu eedeeyey in uu sirdoonka Faransiiska u sahlay  howlgalkii dhicisoobay  ee  ka dhacay dagmada Buula Mareer  islamarkaana agaasimay duqeyn sanadkii hore ka dhacday meel ku dhaw magaalada  Jilib.

3-Cabdi Raxmaan Cabdi Ladiif Axmed oo lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa sirdoonka  Dowladda federaalka Soomaaliya. 
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee mareykanka ayaa dhowr  mar weeraro ka geystay deegaano ay ka taliyaan Al-shabaab, waxaana lagu dilay saraakiil  sar sare oo ka tirsan xarakada al-shabab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada