Top news:- Jen.Yuusuf Indha Cadde oo laga yaabo in Dowlada Federaalka Soomaaliya u magacawdo Xil muhiim ah

Top news:- Jen.Yuusuf Indha Cadde oo laga yaabo in Dowlada Federaalka Soomaaliya u magacawdo Xil muhiim ah

daajis.com:-Warar Hoose oo soo baxayay Saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in ay socdaan qorshe wada tashi oo ku aadan in Jen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde in loo Magacaabo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.

ilo kusugan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyay jiritaanka Wararka ku aadan in laga yaabo in Sheekh Yuusuf Indha Cadde loo Magacaabo Gudoomiyekuxigeenka Dhinaca amaanka Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa Magaalada Muqdisho kasocda wadatashiyo iyo kulamo ku aadan dhameestirka Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan magacaabista Gudoomiye kuxigeenada Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir .

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in Yuusuf Indha Cadde lagu soo daray Liiska Xubnaha laga tashanayo in loo magacaabo Gudoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir , waxaana wali socda wadatashiyo ku aadan in Yuusuf Indha Cadde maamulka Gobolka Banaadir kamid noqdo iyo in kale.

Yuusuf Indha Cadde ayaa kamid ahaa Hogaamiyaashii Kooxaha ee dalka soo maray waxa uu sidoo kale kamid noqday Hogaanka Ururkii Bur buray ee Xisbul Islaam , Dowladihii KMG ayuu sidoo kale Indha Cadde kasoo noqday Wasiiru-Dowle iyo saragaal Ciidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada