Muslimiinta kunool Dalka Ingiriiska oo ka carooday hadal uu dhawaan Jeediyay Duqa magaalada London

Muslimiinta kunool Dalka Ingiriiska oo ka carooday hadal uu dhawaan Jeediyay Duqa magaalada London

daajis.com:-Duqa magaalada London Boris Johnson ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay hadal uu dhawaan jeediyay oo ahaa in dadka muslimiinta ee kunool Ingiriiska ee lagu helo danbiyada la xariira Argagaxisinimo in lagala wareego caruurtooda.

Qaar kamid ah hay’adaha xaquuqul Aadanaha iyo kuwa muslimiinta u dooda ee kusugan Dalka Ingiriiska ayaa si kulul u dhaleeceeyay Duqa Magaalada London , waxa ayna tilmaameen in hadalkiisa ay ka muuqato Cunsuriyad iyo faquuq gaar ah oo lagu hayo dadka Muslimiinta ah.

Duqa Magaalada London ayaa sheegay Waalidiinta Xagjiriinta ah ee kunool Dalka Ingiriiska in ay u fududahay in ay caruurtooda maskaxda ka badalaan arintaasina ay tahay qatar weyn , waxa uuna ugu baqaay Dowlada Ingiriiska dadka lagu helo falalka la xariira xagjirnimada in lagala wareego caruurtooda.

Dadka Muslimiinta ah ee kunool Magaalada London ayaa hadalka Masuulkan katirsan Dowlada Ingiriiska ku tilmaamay kuwo ay ka muuqato cunsurinimo lagu bartilmaameedsanayo dadka muslimiinta ee kunool Dalkaasi.

Dhawaan ayey aheed markii Maxkamad kutaala Dalkaasi Xukuno xabsi daa'n ah ku riday Labo Nin oo Muslimiin ah, kuwaa oo Magaalada London ku dilay Askari katirsanaa ciidamada militariga Ingiriiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada