RASMI:- Nemanja Vidic Oo Xagaaga Ku Biiraya Inter Milan

RASMI:- Nemanja Vidic Oo Xagaaga Ku Biiraya Inter Milan

daajis.com:-Kooxda Talyaaniga ee Inter Milan ayaa xaqiijisay in daafaca Manchester United Nemanja Vidic inuu si rasmi ah ugu soo biiri doono xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga ka dib heshiis ay la gaareen.

Xiddiga reer Serbia ayaa ka tagaya Manchester United iyadoo qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu soo gabagabeeyay sideed sanadood uu Old Trafford ka ciyaarayay.
Vidic ayaana doortay inuusan England sii joogin mar haddiiba uu ka tagayo United, waxaana haatan uu si rasmi ah ugu biiri doonaa kooxda Inter Milan oo si xor ah kula wareegtay daafacaan dhexe.
Bogga Twitter ee Inter Milan ayaa goordhaweyd lagu soo qoray:
“Waa rasmi, Nemanja Vidic waxa uu u ciyaari doonaa Inter Milan xilli ciyaareedka soo socda.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada