Daawo:- Kooxda Bukaharam oo 11 Ruux Nolosha Ku Gubtay

Daawo:- Kooxda Bukaharam oo 11 Ruux Nolosha Ku Gubtay

daajis.com:-Xoogag la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Urur Diimeedka Boko Haram ayaa nolosha ku gubay 11 qof oo rayid ah, sida ay ku warameen saraakiisha amaanka ee waqooyiga-bari dalka Nigeria.

Weerarkani oo ka dhacay xaafad lagu magacaabo Jakana oo ku taalla gobolka Borno ayaa waxaa qasaaraha ka dhashay xaqiijiyay Seneterka gobolkaasi Ahmed Zannah.

Xaafada dadkan lagu laayay ayaa qiyaastii 10 Km u jirta xaafad kale oo sabtidii la soo dhaafay lagu dilay 39 qof oo kale.

Wali ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyada weerarkani, hase ahaatee saraakiisha iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram.

Bishii May ee sanadkii hore ayey ahayd markii xaalad Deg deg ah lagu soo rogay gobolka Borno, halkaasoo ay ciidamada Milatariga Nigeria ka bilaabeen howl galo ka dhan ah xoogaga Falaagada.


Amarkaasi ayaa ka soo baxay madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan oo wacad ku maray in uu soo af jari doono xoogaga qalalaasaha ka wada dalkiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada