Jilaaga Caanka Ah Mr Bean Oo Badbaadiyey Diyaarad Rakaab Ka Buuxo+warbixin

Jilaaga Caanka Ah Mr Bean Oo Badbaadiyey Diyaarad Rakaab Ka Buuxo+warbixin

daajis.com:-Jilaaga reer Britian, Rowan Atkinson oo loo yaqaan ( Mr, Bean) marbuu badbaadiyey diyaarad uu rakaab ka buuxo, xilli duuliyihiin diyaaradu uu miyir beelay!!

Mr BEAN, wuxuu ka soo raacay diyaarad qaas ah isagoo qoyskiisu la socdo, Mombasa waxeyna ku socdeen Nairobi, KENYA, markii duuliyihii diyaaraddu uu miyir beelay, xiligaas oo diyaaradu dhulka u jirtay 4,877 mitir, majaajiiliistuhu, wuxuu durba sutiga u qabtay diyaaradii wuxuuna la ilaaliyey in ey dhulka ku dhacdo, oo wuxuu ku toosiyey uun marinkii, Mana uusan lahayn wax qibrad diyaarad-wadid ah.

Xaaskiiska Mr BEAN SUNETRA, ayaa markaas isugu dartay qeylo, ruxid iyo biyo ooy u dul firdhisay duuliyiihiin suuxsanaa inta ninkeedu diyaarada la tacaalayeey, falkii xaaska ayaa dulliyihii sababay in uu dib u miyir helo, Halkii buuna degdeg diyaaradii mar kale kala wareegay Mr, BEAN oo naxsan, sidaas ayeeyna ku nabad tageen garoonkii ay ku socdeen.

Mr BEAN oo intuusan jilaagga noqon ahaan jiray farsama-yaqaan koronto, wuxuu noqday jilaa/ka qosliye caan ah/wuxuu mar kale noqday badbaadiye ( Ilaaheey kaalmadii)

Ha is oran waxba ma garaneysid markeey badbaadin nafeed timaado, ee isku day iskana soo saar awoodaada qofeed ee ilaaheey kugu maneystay, eebbe-na kaasho oo bari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada