Daawo Sawirada Aroos aan Caadi aheyn oo ku baxday Malaayiin Dollar oo loo dhigay Gabadha uu dhalay Madaxweyne ..

Daawo Sawirada Aroos aan Caadi aheyn oo ku baxday Malaayiin Dollar oo loo dhigay Gabadha uu dhalay Madaxweyne ..

daajis.com:-Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe dhawaan waxaa loo dhigay Aroos aad u weyn oo indha caalamka soo jiitay kuna baxeen Lacago Malaayiin Dollar ah.

Arooska Simba Chikore iyo Bona Mugabe ayaa lagu dhigay Qasri weyn uu leeyahay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe oo kuyaala Caasimada Dalkaasi, waxaana kasoo qeyb galay Xaflada Arooska Madax kasocotay Wadamo kuyaala Qaarada Afrika iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxda kasoo qeyb gashay Xaflada arooska ee loo dhigayay Gabdha uu Dhalay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe waxaa kasoo qeyb galay Madax ay kamid ahaayeen Madaxweynayaasha Konfurta Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang Njima iyo Madaxweynaha Zambia, Michael Sata, Waxaa sidoo kale xaflada kasoo qeyb galay Hogaamiyaal hore , Fanaaniin , iyo ganacsato caan ah.

Qaar kamid ah Wargeysyada kasoo baxa Dalka Zimbabwe ayaa tilmaamay in Arooska loo dhigay gabadha uu dhalay Robert Mugabe ay ku baxday lacag gaareysa ilaa 5-Milyan oo Dollar oo u dhiganta lacagta lagu dhisay Garoonka Diyaaradaha Harari ee Dalka Zambabwe kaa oo lagu tilmaamo in uu yahay garoonka uga dhabaha ama Run-wayga Dheer Qaarada Afrika.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada