Daawo Sawirada :- Dowlada Mareykanka oo maanta Gaadiid iyo Agab Ciidan siisay Ciidamada Kumaandooska Somalia

Daawo Sawirada :- Dowlada Mareykanka oo maanta Gaadiid iyo Agab Ciidan siisay Ciidamada Kumaandooska Somalia

daajis.com:-Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gadiid iyo qalab ciidan oo ay Dowladda Mareykanka ku caawinayso Ciidamadii ugu horeeyay ee Kumaandoos ahaan loogu tababaray gudaha dalka.

Munaasabadan uu Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya kula wareegayay Gaadiid ciidan oo tiradoodu gaareysay 15 iyo qalabkan ciidan ayaa lagu qabtay Xarunta dugsiga tababarka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka iyo qalabkaan milateri uu hordhac u yahay gaadiid farabadan oo ay dowladda Mareykanka waaxdeeda arrimaha dibadda ku caawinayso Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed..

Munaasabada ayaa waxaa goobjog ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aaden Cilmi, Abanaduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi, Saraakiisha Hogaamada kala duwan ee ciidanka iyo Saraakiil ka socotay dowladda Mareykanka.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in qalabkaani ay ka faa’iideysan doonaan ciidamada Kumaandooska ee loo soo gebagebeeyay wejigii koowaad ee tababarka, islamarkaana dhawaan uu u bilaaban doono wejigii labaad ee tababarka kumaadooska.

Sidoo kale Mr.Mike oo ka socday Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay ka qeybqaadato dedaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi oo munaasabadda soo xiray ayaa ku amaanay ciidamadan kumanadooska ah sida ay ugu diyaarsanyihiin inay uga qeybqaataan difaaca dadkooda iyo dalkooda, waxa uuna uga mahadceliyay dowladda Mareykanak tageerada ay la garab taagantahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Dowladda Mareyakanka ayaa kamid ah Dowladaha saaxiibada dhaw la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ka tagaeera dhinacyada tababarrada iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxa uuna qalabkan ciidan door fuirfircoon ka qaadan doono howlgallada dalka oo dhan looga saarayo haraadiga ah dhagar qabayaasha Al-Shabaab sanadkan gudahiisa.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada