Daawo Sawirada:- Hadal kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wakiilka Q/M ee Somalia oo laga soo horjeestay

Daawo Sawirada:- Hadal kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wakiilka Q/M ee Somalia oo laga soo horjeestay

daajis.com:-War Saxaafadeed :-- Madax dhaqameedka, siyaasiyiiinta, aqoonyahannada iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanada labada Shabelle waxey si wadajir ah u soo saareen qoraalkan ay uga jawaabayaan qoraaladdii ka soo kala baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo looga hadlayey shirka Baydhabo.

Waxaa in muddo ahba socday dadaallo ay dadka deegaanka aayahooda uga tashanayeen, isla markaana la tashiyo lala sameynayey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u socda si wanaagsan oo waafaqsan Dastuurka iyo dhammaan sharciyada dalka. Kulamo fara badan oo ka dhacayey goobo ka tirsan deegaanada labada Shabelle iyo guddi si joogta ahba uga howlgalayey arrinkan oo hadda maraya heer gabo gabo ah iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha si gaar ah looga wargeliyey oo loo gudbiyey qoraallo caddeynaya arrintan.

Iyadoo la ogyahay in shirka Baydhabo uu isna doonayo in Gobolka Shabeelaha Hoose uu ka mid noqdo lixda gobol oo dadka deegaanka qaar ka mid ah ay ka qeybgalayaan shirka Baydhabo, haddana waxaan aaminsanahay in dadka deegaanka intiisa badan ay ka qeybgalayaan shirkan ka socda deegaanada labada shabeele oo guddiga uu weli ku howlan yahay sidii dadkaas jooga Baydhabo ay uga soo qeybgali lahaayeen shirarkan iyo go’aanadan. La tashiyo fara badan waxaa la isku raacay oo ay dadka deegaanka ay go’aansadeen in Maamul Goboleed waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda oo ay hoggaamineyso Dowladda Federaalka laga hirgeliyo Labada Shabelle.

Sidaas daraadeed, waxaan si cad uga soo horjeednaa go’aanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qarmada Midoobey, sababahan awgood:

1. Go’aanka Wasiirka Arrimaha Gudaha ma waafaqsana dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan, mana aha mid golaha wasiirada ay ka doodeen oo ay daraasad ka sameeyeen, mana jirin xildhibaanno iyo wasiirro ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la tashtay dadka deegaanka. Go’aan ka soo baxaya Xukuumadda waa inuu ahaadaa mid golaha la hordhigay oo ka hor la soo marayo nidaamka dib-u-heshiisiinta, wadatashiga iyo xaqa ay dadka deegaanka u leeyihiin in lala socodsiiyo go’aanada saameynaya masiirkooda iyo mustaqbalkooda.

2. Dowladdu dowrkeedu waa inay fududeysaa wadahadalada iyo sidii dadku aayahooda uga tashan lahaayeen, sidaas daraadeed, masiirka iyo aayaha Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa xaq u leh dadka deegaanka oo iyaga wada shirar ay uga mid noqonayaan maamul goboleedka Labada Shabelle. Dowladdu xaq uma laha inay dadka go’aan aan iyaga ka iman ay u gaarto.

3. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey waa inuusan go’aan u gaarin dadka deegaanka ee waa inuu sahlaa, fududeeyaa, isla markaana ku dhiiri geliyaa dadka deegaanka inay aayahooda ka tashadaan. Waxeyna aheyd inuu xogta dhabta ah helo inta uusan soo saarin qoraalka uu ku taageerayey kan Wasiirka Arrimaha Gudaha.

4. Gobolka Shabeelaha Hoose waa gobol taariikh fog leh, isla markaana qeyb ka ahaa Ex-Banadir oo seddexdaas gobol ay wadaagaan deegaan, dhaqan iyo is faham soo jireen ah, una baahan in la ixtiraamo oo lagu dhiiri geliyo dadaalada socda.

5. Sidaas daraadeed, waxaan soo jeedineynaa tallooyinkan muhiimka ah:

a) In Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dib-u-eegis ku sameeyo go’aanka Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu guddi xaqiiqo raadis ah u saaro arrinkan, isla markaana xisaabtan dhab ah lala galaa wasiirka;


b) In Xukuumadda ay la fariisato guddigan maamul u sameynta labada Shabeele si looga wada hadlo horumarka socda ee maamulkan, oo ay Xukuumaddu qaadato doorkeeda hoggaamineed oo dadka deegaankan ay raalli oga yihiin;

c) In guddiga uu sii wado wadahadalka iyo tashiyada dadka deegaanka si go’aanka maamul u sameynta labada Shabeele uu u noqdo mid ay dhammaan dadka deegaanka raalli ka wada yihiin, isla markaana ay si siman oo daacad ah ay u qeybsanayaan dhammaan awood qeybsiga maamulka deegaanka.

d) Guddigan waxuu diyaar u yahay in dhaqangelinta nidaamka Federaalka uu noqdo mid waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay dowladdu door hoggaamineed ka qaadato, si looga fogaado iska hor-imaad, qilaaf iyo fowdo, taasoo caqabad ku noqon karta sidii loo heli lahaa nidaam ku yimaado si dimoqraadiyad ah oo dadka rabitaankiisa la xurmeynayo.

Ugu danbeyntii, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda labada Shabelle waa inay taageeraan go’aankan iyo rabitaanka shacabka ay matalaan oo ay cod dheer ku sheegaan, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay muhiim tahay inaan ka wada shaqeyno sidii aan u heli laheyn dal nabad ah oo aan ku gaari laheyn nidaam dimoqraadiyad ah oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada