Daawo Sawirada:- Ehelada Dadkii saarnaa Diyaaradii Malaysia oo ilmadu ka dhamaatay iyo albaabka diyaaradaasi oo la sheegay in la arkay

Daawo Sawirada:- Ehelada Dadkii saarnaa Diyaaradii Malaysia oo ilmadu ka dhamaatay iyo albaabka diyaaradaasi oo la sheegay in la arkay

daajis.com:-Waxaa Wali laheyn meel ay ku dambeysay Diyaarad laga leeyahay Dalka Malaysia oo Sadax Maalin kahor dalkaasi ka duushay kuna sii jeeday Caasimada Wadanka Shiinaha, waxaana wali socda baadi goob xoogan oo loogu jiro sidii Diyaaradaasi warkeeda loo heli lahaa.

Koox baarayaal ah oo u dhashay Dalka Vietnam ayaa sheegay in ay arkeen waxu eg ilbaabka Diyaarada la la’yahay ,inkastoo aan wali si rasmi ah arntaasi loo xaqiijin , waxaana aad u yar rajada laga qabo in Diyaaradaasi iyo dadkii saarnaa bad qab lagu helo.

Madaxa hay'adda duulimaadka Malaysia ayaa sheegay in ilaa haatan aan la hubin wararka sheegayay in burbur qeybo kamid ah Diyaarada lagu arkay badda Vietnam , waxa uuna sheegay in wali uu socda baaritaanka lagu raadinayo diyaaradaasi.

Diyaarada la raadinayo oo ay laheed shirkada Diyaaradaha Malaysia Airlines ayaa lambarkeedu waxa uu ahaa MH-370, waxaana saarnaa 239 Rakaab ah oo u kala dhashay ilaa 14-dal , dadka diyaarada saarnaa waxaa ku jira labo qof oo ku baxay Baasabooro lasoo xaday kuwaa oo baaritaano lagu hayo waxa ay ahaayeen.

Ehelada Dadkii saarnaa Diyaarada aan wali laheyn ayaa wali ku jira murugo iyo ooyin , waxaana lagu wargaliyay Ehelada Dadkooda la la’yahay in ay u diyaar garoobaan wax kasta oo la filan karo in ay dhacaan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada