SAWIRRO:- R/Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey ciidamada qalabka sida iyo AMISOM guulihii ay ka gaareen+warbixin

SAWIRRO:- R/Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey ciidamada qalabka sida iyo AMISOM guulihii ay ka gaareen+warbixin

daajis.com:-Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo kulan xasaasi ah kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo AMISOM caasimada Muqdisho.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Cabdiweli Sheekh Axmed  ayaa xalay kulan  xasasi ah la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM uguna  hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen  howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo kooxaha ka soo horjeeda dowlada looga saaray degaanada kala ah Xudur, Waajid, Rab-dhuure, iyo Buur-dhuubo.

Kulankan ayaa  ka dhacay Xarunta Guddiga Wadajirka ee Xiriirinta Howlgalada, kulanka waxaa ka  ka qeybgalay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka, waxaana halkaasi looga dhegeystay warbixino ku aadan howlgalada ka soconaya gobolada Gedo iyo Bakool oo ay  ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay kaga  qabsadeen kooxda Al shabaab.



Marku soo gabagabobay  kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed uu warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay inuu ugu hambalyeynayo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa  AMISOM geesinimadii ay muujiyeen iyo sida kooxda caddowga ah  ugu saaren  degaano ay ka mid yihiin Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.
 
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in caddowgu sii daciifayo, ayna meesha ka baxday awoodoodii ciidan, midii dhaqaale iyo mid Niyadadeed ayna ku jiraan maalmahoodii ugu dambeeyey” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha  dowlada  federaalka Soomaaliya.



“Sababta looga saarayo kooxahan nabadiidka degaanadan waxa weeye si looga dul qaado shacabka Soomaaliyeed caburinta joogtada ah, dilka, barakicinta iyo handadaada ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu ku nuxnuxsaday  Ra’iisul Wasaaraha.

Waxuu sheegay  in dowlada  Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii gargaar bani’aadan-nimo loo gaarsiin lahaa degaanadaasi la xoreeyey, ayna sidoo kale u heli lahaayeen adeegyadii Aasaasiga ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada