Daawo Sawirada:- Gobolka Crimea oo si rasmi ugu biiray Ruushka, kadib aftidii la qaaday

Daawo Sawirada:- Gobolka Crimea oo si rasmi ugu biiray Ruushka, kadib aftidii la qaaday

daajis.com:-Dadka Gobolka Crimea ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay inay ka mid noqdaan Ruushka, kadib aftidii la qaaday, iyadoo Mareykanka iyo Midowga Yurub ay ku hanjabeen cunaqabateyn nuuc cusub ah oo ay ku soo rogayaan Ruushka.

Kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay fagaaraha caasimada Gobolka Crimea, kadib markii ay soo gaba gabowday aftidii la qaaday.

Dadka reer Crimea ayaa 95.5% u codeeyay inay ku biiraan Ruushka, waxaana dadweynaha ay aad u taageersanayeen ku biiritaanka Ruushka oo ay mar hore ka mid ahaayeen.

Hogaamiyaha Gobolka Crimea ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ku biiraan Ruushka, isla markaana shacabka Gobolka ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyaan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu tix gelinayo go'aanka dadka reer Crimea, isagoo u rajeeyay guul.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay afti ay ku tilmaameen inay tahay mid sharci daro ah, waxaana ay Ruushka ku eedeeyeen xadgudub ka dhan ah madax banaanida Ukraine.

Xiisada labada dhinac u dhaxeysa waa Ruushka iyo Mareykanka ayaa sii xoogeysaneysay, tan iyo intii Ruushka ay kumanaan ciidamo soo geliyeen Gobolka Crimea.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada