Jamie Redknapp: Juan Mata Waxaa Laga Ciyaarsiinaa Meel Aan Booskiisa Aheyn, Fellaini Isna Uma Qalmo Man United.

Jamie Redknapp: Juan Mata Waxaa Laga Ciyaarsiinaa Meel Aan Booskiisa Aheyn, Fellaini Isna Uma Qalmo Man United.

daajis.com:-Ciyaaryahankii hore ee England, Liverpool iyo Tottenham Jamier Redknapp oo haatan khabiir isboorti ka ah Sky Sports ayaa sheegay in qaladka ugu weyn ee tababare David Moyes inuu yahay in Juan Mata uu ku ciyaarsiinayo boos qaldan.

Redknapp ayaa maqaalkiisa uu ku qoray maanta jariirada Daily Mail waxa uu ku sheegay sidoo kale in Marouane Fellaini uu yahay saxiix lagu qasaaray madaama uusan marnaba u muuqan ciyaaryahan Man United ah.
Manchester United ayaa shalayto guuldarro 3-0 ay ka soo gaartay Liverpool kulankii ka dhacay Old Trafford, Jamie Redknapp ayaa qoray:
“Ka dib natiijo sidaas oo kale ah, David Moyes waa qasab inuu ku fekerayo ‘Maxaa igu dhici doona?’ Kulanka arbacada ee Olympiakos waa kulan aad u weyn. Haddii ay haraan waa United oo macsalaameysay Champions League muddo 18 bilood ah.
“Moyes waxa uu sameeyay kaliya labo saxiix oo waa weyn, laakiin marnaba uma aysan shaqeynin. Waxa uu 27.5 milyan ginni ku qarashgareeyay Marouane Fellaini, laakiin marnaba uma muuqan inuu yahay ciyaaryahan United ah.
“Taageere weyn ayaan u ahay Juan Mata, laakiin ma ahan inaad ciyaaryahan ka soo bixiso 37 milyan ginni islamarkaana ka ciyaarsiiso boos aan booskiisa aheyn.

“United mar walba waxa ay heysatay xiddigo garab ka ciyaara oo fantastik ah, laakiin Mata garab ma ahan, waana ku qasaareysaa haddii aad halkaas ka ciyaarsiiso. Waxa uu u baahan yahay inuu ka ciyaaro booska No 10, laakiin sidee ugu fariisin kartaa xiddig aad siineyso isbuucii 300 kun ginni oo ah Rooney?”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada