Jen. Muungaab oo xilka ka qaaday Afhayeenkii Gobolka Banaadir

Jen. Muungaab oo xilka ka qaaday Afhayeenkii Gobolka Banaadir

daajis.com:-Afhayeenkii Gobolka Banaadir,Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, adib wareegto kasoo baxday xafiika Gudoomiyaha Gobolka Muungaab.

Gudoomiye Muungaab, ayaa afhayeenka Gobolka u magacaabay, Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan.

Afhayenkii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka hadlay xilka qaadista maanta lagu sameeyay ayaa soo dhaweeyay, isaga oo si wanaagsan xilka ugu wareejiyay afhayeenka cusub.

Waa xil ka qaadistii ugu horeeysay ee uu sameeyo Gudoomiyaha Gobolka, tan iyo markii xilkaan loo magacaabay, waxaana uu horay u sheegay ineey seefta qaadi doonto masuuliyiinta aan la jaanqaadi karin qorshe howleedkiisa cusub.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada