Taliyaha booliska oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kana warbixiyay safarkiisii Puntland

Taliyaha booliska oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kana warbixiyay safarkiisii Puntland

daajis.com:-Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid saacid iyo wefdi uu hogaminayo oo maalmahanba safar shaqo ugu maqnaa deegaanada maamulka Puntland ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib kulamo ay la soo yeesheen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliska Puntland.

Waxay ugu horeyn ka tegeen magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha booliska, waxayna intaasi kaddib ay u gudbeen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso waxaana ay halkaasi kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliska mamaulka Puntland.

Mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen Taliyaha iyo wefdigiisa waxa ay kormeer ku tegeen xerada tababarka Carmo, halkaasi oo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee maamulka Putland, isagoo kormeerey qeybaha xeradaasi ay ka kooban tahay, goobaha saadka ciidamada, qeybaha tababarada, waxaana u jeedku ahaa sidii Taliska Booliska Soomaaliyeed uu xagga tababarada uga caawin lahaa ciidanka booliska ee Puntland.

Maxamed Siciid Jaqanaf Taliyaha ciidamada boolsika Puntland ayaa hadal kooban ka jeediyeey kulan ay ku yeesheen xerada tababarka ciidanka booliska ee Carmo, ayadoo goobtaasina ay ku sugnaayeen saraakiil iyo saraakiil xigeenno oo qeyb ka ahaa wefdiga taliyaha, booliska iyo xubno kale oo booliska maamul goboleedka puntland.

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid ayaa xusay in u jeeddada socdaalkooda ay la xiriirtay sidii ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda ka jirta saldhigyada booliska ee ku yaallada Gobollada Mudug, Bari iyo Garoowe, isagoo tilmaamay in socdaalkooda uu guul ku soo gabo gaboobay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada