daawo sawirada:- Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho oo lagu soo kordhiyay Kuliyad Muhiim ah. +waebixin

daawo sawirada:- Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho oo lagu soo kordhiyay Kuliyad Muhiim ah. +waebixin

daajis.com:-Munaasabad lagu furayey kuliyad cusub oo lagu kordhiyey Kuliyadaha Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay shalay galab xarunta jaamacadas ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen aqoonyahano iyo arday wax ka barata Jaamacada.

Kuliyada cusub ee lagu kordhiyey Jaamacada Banaadir oo ah kuliyada Culuunta caafimaadka ayaa waxay noqoneysaa kuliyadii ugu dambeysay ee lagu daro kuliyadaha Jaamacada Banaadir ee laga barto laamaha kala duwan ee cilmiga.

Waxaa xafladaas ka qeyb galay, kana hadlay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Jaamacada Banaadir iyo arday kala duwan oo ka waramay muhiimada ay kuliyada culuunta caafimaadka u leedahay bulshada iyo qeybaha ay u kala baxdo.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munasabadaas khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in dedaal dheer ka dib ay ku guuleysteen iney kuliyadaha Jaamacada Banaadir ku soo kordhiyaan kuliyada culuumta caafimaadka oo uu xusay iney muhimad gaar ah u leedahay bulshada iyo bahda caafimaadka.

“Aad iyo aad ayey ii farxad gelineysaa inaan ka soo qeyb galo xaflada furitaanka kuliyada culuunta caafimaadka oo hadda ka dib ka mid noqoneysa kuliyadaha Jaamacadda Banaadir iyo gaar ahaan Koorso deg deg ah oo lagu soo saarayo arday ka qelin jebineysa sanad ka dib qeybaha kalkaaliyaasha caafimaadka iyo umulisada oo ah labo qeybood oo baahi weyn looga qabo dalkeena” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in ardayda qaadaneysa maadooyinkan oo isugu jira hablo iyo wiilal kor u dhaafaya 100 arday ugu dambeyntii la siin doono shahaadada 1aad ee Bachelor Degree, isagoo xusay in talaabadani ay dhameystir u tahay riyo uu sheegay iney muddo dheer ku soo haminayeen.

“Jaamacada Banaadir waxaa la furay 12 sano ka hor waxaa lagu furay hal kuliyad oo ah kuliyadda caafimadka oo lagu barto cilmiga dhaqtarnimada, maalintaas waan dareemaynay in bahda caafimaadka uusan aheyn oo kaliya dhaqtarka oo meel walba aan laga heli Karin, bukaankana aan la joogeynin wax ka badan shan daqiiqadood” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha.

Dr. C/risaaq Dalmar ayaa intaa ku daray mudadii 12-ka sano aheyd ee Jaamacadu jirtay ay barteen qaabka loo sameeyo kuliyadaha, ayna taas u suuragelisay in Jaamacadu ay noqoto mid heysata aqoonsi caalami ah, isagoo xusay in Jaamacado kale oo caalami ah uu kala dhexeyo xiriir iskaashi oo dhinaca aqoonta ah.

“Nasiib wanaag kuliyadda culuunta caafimaadka waxay ku soo aadey xili xaalada dalku ay isbedeshay, dhaqaatiir badan oo dibeda ku maqneyd ay dalka ku soo laabteen, waxayna aasaaska kuliyada xili khibrad badan 12 sano ah ay jaamacada Banaadir kororsaneysay” ayuu hadalkiisa intaa ku daray Dr. Dalmar.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in dhismaha kuliyada culuunta caafimaadka ay la kaashadeen ururka (Doctors Worlwide) oo ay ku bahoobeen labada Jaamacadood ee ugu waaweyn Turkiga iyo machadka caalamiga ah ee loogu magac daray dhaqtarkii muslimka ahaa Ibnu Siinaa” ayuu yiri gudomiyaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Dr. Dalmar waxaa uu sheegay in Jaamacada Banaadir aysan aheyn Jaamacad loo furay in dhaqaale laga sameeyo balse ay tahay Jaamacad ka timid bulshada una timid bulshada oo loo abuuray iney soo saarto aqoonyahano dadkooda waxtara.

“Anigoo ka faaideysanaya fursadan waxan rabaa inaan halkan ka shaaciyo maadaama aad tihiin kooxdii ugu horeysay ee Degree ka qaadan doona kuliyadan, in sadexda arday ee ugu dhibco badata ay qaadan doonto Jaamacadda ayna ka mid noqon doonaan macallimiinteeda” ayuu yiri Dr. dalmar oo la hadlayey ardayda sadex sano horey u soo baratay kalkaaliye caafimaad iyo umuliso oo kuliyadan looga furay koorso deg deg ah oo aqoontooda sare loogu qaadayo.

Hormuudka Jaamaada Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in kuliyada culuunta caafimaadka ay ka kooban tahay sagaal qeybood, ayna hadda diyaar yihiin ilaa afar qeybood, shanta kalena waxaa uu sheegay iney socdaan qorsheyaashii lagu howlgelin lahaa.

“Qeybaha Culuunta caafimaadka hadeysan jirin dhaqtarku keligiis waxba ma qaban karo, waa baalashii uu ku duuli lahaa, ujeedada aad wax u baraneysan waa ineysan ahaan qaadashada shahaadada Degree-ga aad qaadan doontaan kaliya ee waa iney salka ku heysaa sidii aqoontiina aad bulshada wax ugu qaban laheydeen” ayuu yiri Dr.Biday.

Waxaa sidoo kale munasabadaas ka hadlay Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ah madaxa qeybta Taqasusiga Jaamacada Banaadir xubina ka ah muasasada Jaamacadaas iyo Dr. C/raxmaan Fiqi oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed kuwasoo ku dheeraaday muhimada ay leedahay kuliyadan iyagoo kula dardaarmay ardayda wax ka baraneysa qeybaha faraha badan ee ay ka kooban tahay kuliyada iney ku dedaalaan aqoonta si ay mustaqbalka wax uga qabtaan xaaladaha caafimaad daro ee heysta bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ardayda wax ka baraneysa kuliyadda culuunta caafimaadka ee Jaamacada Banaadir oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin furitaanka kuliyadan, iyagoo maamulka Jaamacadda Banaadir uga mahad celiyey dedaalka dheer ee ay u galeen hirgelinteeda, waxayna balan qaadeen in aqoonta ay ka bartaan ay uga faaideyn doonaan bulshadooda.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada