Daawo Sawirada:- Qaar ka mid ah saraakiisha safaarada Turkiga dalka Soomaaliya oo booqday Beledweyne

Daawo Sawirada:- Qaar ka mid ah saraakiisha safaarada Turkiga dalka Soomaaliya oo booqday Beledweyne

daajis.com:-Qaar ka mid ah saraakiisha safaarada dowlada Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa maanta booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. 

Xubnahan ka socday safaarada dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo kula yeesheen magaalada Beledweyne madaxda maamulka degmada Beledweyne iyo gobolka Hiraan. 

Booqashada wafdigan oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda oo kale ah ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalad Beledweyne iyagoo booqday suuqa xoolaha iyo isbitaalka magaalada Beledweyne. 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa warbixin ka siinayay wafdigan meel walba oo ay booqdaan iyadoo ammaanka wafdigana ay si aad ah u sugayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne. 

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Ismaaciil Caadil oo ah ku xigeenka safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhoweeyay wafdiga magaalada Beledweyne waxaana uu xusay in wixii kuu arkay magaalada Beledweyne uu kula noqon doono madaxda ka sareysa. 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Laqanyo ayaa ku macneeyay booqashada wafdigan inay tahay mid lagu doonayo in mashaariic horumarineed ay ka hirgeliso dowlada Turkiga gobolka Hiiraan. 










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada