Man United Oo Heshiis Rikoor Ah Oo Ku Kacaya 600 Milyan Ginni La Galeysa Shirkada Nike.

Man United Oo Heshiis Rikoor Ah Oo Ku Kacaya 600 Milyan Ginni La Galeysa Shirkada Nike.

daajis.com:-Manchester United ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo heshiis rikoorka adduunka ah oo loogu soo saarayo maaliyadaha iyagoo ku helaya in ka badan 600 milyan ginni, sida ay maanta daabacday Sunday Mirror.

Heshiiskaan qaaliga ah ayaa ka dhigaya mid weli fariin diraya taasoo ku aadan in Manchester United ay weli magac weyn ku leedahay kubada cagta, waxaana heshiiskaan uu yahay mid lagu cusbooneysiinayo qandaraaska maaliyadaha ee ay kula jiraan shirkada Nike.
Waxaana United ay heshiiska cusub ku heli doontaa sannadkii 60 milyan ginni iyadoo mudada qandaraaska cusub ay noqon doonto muddo 10 sanadood ka badan.
Heshiiskaan ayaana ah ku dhawaad labo jibaarka heshiiska ugu weyn ee dhanka maaliyadaha dunida, iyadoo Real Madrid ay 31 milyan ginni sannadkii ka qaadato shirkada adidas.
Heshiiska haatan ee United kula jirto Nike ayay sannadkii ku heshaa 23.5 milyan ginni waana in ka yar heshiiska maaliyadeed ee kooxaha Real Madrid, Arsenal, Barcelona iyo Liverpool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada