Milkiilaha Liverpool Oo Lacag Ku Taageeri Doona Rodgers Haddii Ay U Soo Baxaan Champions League.

Milkiilaha Liverpool Oo Lacag Ku Taageeri Doona Rodgers Haddii Ay U Soo Baxaan Champions League.

daajis.com:-Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingariiska ayaa qoraya in milkiilaha Liverpool John W Henry inuu gacanta u gelin doono tababare Brendan Rodgers lacag 60 milyan ginni uu kaga soo adeegto suuqa kala iibsiga haddii ay u soo baxaan Champions League.

Henry ayaa ku faraxsan sida uu Rodgers uu horumarka u sameeyay oo uu kooxda uga dhigay mid u tartameysa horyaalka, waxaana uu qorsheynayaa inuu heshiis cuusb oo seddex sanno ah inuu u soo bandhigo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Si uu caawinaad ugu helo wadahadalada, Liverpool ayaa dooneysa inay cadeyso inay ku faraxsan yihiin inay Rodgers ku taageeraan suuqa kala iibsiga haddii ay xaqiijistaan booskooda Champions League.
Rodgers ayaa doonaya inuu la soo wareego labo daafac dhexe, daafac bidix, kubadsameeye, xiddig garab ka ciyaara iyo gooldhaliye u fadhiya Suarez iyo Sturridge.
Waxaa durbaba lala xiriiriyay xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Dnipro Yevhen Konoplyanka, kan Benfica Nicolas Gaitan, daafaca bidix ee Switzerland Ricardo Rodriguez iyo daafaca dhexe ee Cardiff City Steven Caulker.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada