Video Layaableh:- Afrikaan lagu Tahriibinayay Boorso Lagu soo dhex qariyay oo la qabtay

Video Layaableh:- Afrikaan lagu Tahriibinayay Boorso Lagu soo dhex qariyay oo la qabtay

daajis.com:-39 sano jir u dhashay dalka Marooko ayaa isku dayay inuu si sharci daro ah u geliyo dalka Spain wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dalka Mali, kaasoo uu boorso weyn ku qariyay, hase ahaatee ciidamada Booliska ay qabteen.

Telefishinka BBC ayaa baahiyay Ciidamada ilaalada xuduudaha Spain oo ka shakiyay 39 jirkan u dhashay dalka Marooko ee watay boorsada weyn, waxaana markii ay baareen laga dhex helay 19 jir u dhashay dalka Malli.

Booliska ayaa markii ay fureen boorsada waxay ugu dhex tageen wiilkan 19 jirka ah oo lacag kusoo bixiyay sidii loo gelin lahaa jasiirada Malallila ee dalka Spain.

Dhacdadan ayaa noqotay mid lala yaabay, iyadoo ay noqotay nooc cusub oo ka mid ah tahriibka.

Todobaadyo ka hor ayaa 400 Tahriibayaal kasoo jeeda Afria ay xoog ku galeen jasiirada Malalli ee dalka Spain, kuwaasi oo jabsaday shabashii celinayay tahriibayaasha.

Halkaan Hoose Ka Daawo Video-ga:- 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada