DEG DEG: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Buur-dhuubo

DEG DEG: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Buur-dhuubo

daajis.com:-Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa goor dhow qabsaday degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo, kadib dagaalo culus oo ka dhacay duleedka degmada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay iska caabin xoogan kala kulmeen Xoogaga Al-Shabaab oo tiro dhowr jeer weeraro ku soo qaadayay, waxaana dagaalada ay dhaceen muddo saddex jeer tan iyo shalay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa ku sugan duleedka degmada Buur-dhuubo ee dhinaca wadada aada degmada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay.

Dadkii ku dhaqnaa degmada Buur-dhuubo ayaa isaga baxay, ka hor inta aanay dagaalada ku soo dhowaan, waxaana jiray madaafiic culus oo ku dhacayay gudaha degmadaas, kaasoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Col. C/llaahi Cusmaan oo ah Abaanduulaha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degmada Buur-dhuubo, isagoo tilmaamay in dhinacii kale ee Al-Shabaab ka saareen degmada.

Degmada Buur-dhuubo ayaa aheyd degmadii labaad oo Al-Shabaab kaga sugneyd Gobolka Gedo, iyadoo sidoo kale gacanta ku haya degmada Baardheere oo ah saldhiga ugu weyn ee Gobolkaas kaga sugnaayeen.

Waa degmadii saddexaad oo Al-Shabaab laga qabsado saddex maalmood gudahood, iyadoo labadii maalmood laga qabsaday degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ka tirsan Gobolka Bakool.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada