Daawo Sawirada :-Kooxo Midiyo ku Huubeesan oo dad badan ku laayay Xarun tareenada laga raaco oo kutaala Dalka...

Daawo Sawirada :-Kooxo Midiyo ku Huubeesan oo dad badan ku laayay Xarun tareenada laga raaco oo kutaala Dalka...


daajis.com:-Ugu yaraan 33-qof ayaa ku dhimatay in kabadan 130-kalana wey ku dhaawacmay kadib markii Kooxo aan wali heebtooda la garan oo ku hubeesnaa Midiyo ay weerareen goob tareenka laga raaco oo kutaala Gobolka Yunnan ee Dalka Shiinaha.

Wakaalada wararka ee Xinhua ee laga leeyahay Dalka Shiinaha ayaa tabisay in kooxo Midiyo ama Toorey ku hubeesnaa ay weerareen goob tareenada laga raacooo kutaala Magaalada Kunming halkaasna ay ku laayeen dad badan oo rayid ahaa.

Kooxaha weerarka geestay ayaa xirnaa dhar mad madow ah waxa ayna saf kala mareen midiyihii ay wateen dad badan oo kusugnaa xarun tareenka laga raaco, halkaas ay ku dileen dad aad u badan , tira kalana ay dhaawaceen .

Xarunta Tareenka laga raaco ayaa mar qura isku badashay meel ay dhiig badan dureeraan ayna yaalaan dad badan oo dhintay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay weerarka ay geesteen ragan Midiyaha ku hubeesnaa. 

Ciidamada amaanka Dowlada Shiinaha ayaa dilay 4-kamid ah ragii weerarka geestay , waxa ayna saraakiil dhinaca amaanka u hadashay sheegeen in ay ku raad joogaan rag kale oo lala xariiriyay weerarka ka dhacay Xarunta Tareenka laga raaco ee kutaala Magaalada Kunming ee Gobolka Yunnan .






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada