Daawo Sawirada:- Wasiirad katirsan Xukuumada Somalia oo Maanta Jaamac kutaala Muqdisho ka qalin jabisay

Daawo Sawirada:- Wasiirad katirsan Xukuumada Somalia oo Maanta Jaamac kutaala Muqdisho ka qalin jabisay


daajis.com:-Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta Shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jebisay Jaamacadda Hobe University ayadoo Ardaydaasina ay ka mid aheyd Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha.

Munaasabadda ay ku qalin jebinayeen Ardaydan oo tiradoodu gaareysay 138Arday oo heerka Waxbarashadoodu kala aheyd Master iyo Degree ayaa waxaa lagu qabtay hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho waxaana ku simaha Madaxweynaha Dalka ku wehliyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Wasiirrada Tacliinta Sare iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Ardayda maanta qalin jebisay sida ay uga dhabeeyeen ka miradhalinta dadaalkooda Waxbarasho waxaana uu si gaar ah ugu Hambaleeyey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid aheyd Ardayda maanta qalin jebisay.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Muhiimadda Waxbarashadu ay leedahay isaga oo tilmaamay in dhibaatada Dalka ka jirta uu sabab u yahay Jahliga,hadiise la saramariyo heerka Waxbarashada laga gudbi doono dhibaatooyinka jira waxaana uu ugu dambeyntii ku dhiirageliyey Ardayda Soomaaliyeed iney sii wadaan dadaalkooda dhanka Waxbarashada, Ardayda qalin jebisayna waxa uu ku dhiirageliyey iney dalkooda,dadkooda iyo diintooda ugu adeegaan aqoonta uu Alle siiyey.

Gebagebadii Munaasabadda ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu Shahaadooyin gudoonsiiyey ardayda qalin jebintoodu ay aheyd heerka Masterka iyo Ardayda kaalmaha hore galay.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada