Dowlada Kenya oo Shaacisay in uu dhintay Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere

Dowlada Kenya oo Shaacisay in uu dhintay Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere

daajis.com:-Emmanuel Chirchir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa bogga uu Tweetterka ku leeyahay waxaa uu ku sheegay in maalintii Arbacada uu geeriyooday Sh, Cali Max’ud Raage oo ah Afhayeenka guud ee Xarakadda Al-Shabab.

Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay in Sheekh Cali Dheere oo waayahaan qabay dhaawac culus oo kasoo gaaray duqeyn muddo 2 bilood ka hor ka ah ka dhacday Soomaaliya uu geeriyooday maalintii Arbacada ee na dhaaftay sida uu yiri waxaana sidoo kale qoraalkaan kasoo baxay afhayeenka ciidamada Kenya lagu qoray wargeyska Daily Nation oo Kenya kasoo baxa iyo wakaaladda wararka AFP.


Chichir waxaa uu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan xaqiijinayaa inb Cali Dheere afhayeenkii Al-Shabab Arbacadii ayuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn 10 bishii January ee sanadkaan ka dhacday degaanka Birta dheer ee koofurta Soomaaliya” waxaana uu intaa ku daray in duqeyntaas oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa bartilmaameedkoodu waxaa uu ahaa hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane laakiin looguu yeero Sh, Abuu Zubeyr hase ahaatee uu ka bad baaday.

Duqeyntaas sidoo kale afhayeenkaan Kenya u hadlay waxaa uu sheegay inay ku dileen illaa 30 ruux oo hogaamiyaal Al-Shabab iyo Al-Qacida ka tirsan.

Al-Shabab willi kama aysan hadlin hadalkaan dawlada Kenya kasoo baxay hase ahaatee Sh, Cali Dheere ayaa maalmo ka hor la hadlay warbaahintooda sidoo kalena dhawaana mar ayuu kasoo muuqday Tv,ga Aljazeera qeybtiisa afka English,ka wax ku tabiya.

xigasho:-wgcusub. FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada