Dowlda Soomaaliya oo manta loogu deeqay Lacag gaareysa 10-Milyan oo Dollarka Mareykanka ah

Dowlda Soomaaliya oo manta loogu deeqay Lacag gaareysa 10-Milyan oo Dollarka Mareykanka ah

daajis.com:-Dowlada Australia ayaa maanta waxa ay si rasmi ah shaaca uga qaaday in Dalka Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa 10-Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Julie Bisho ayaa sheegtay in Soomaaliya ugu deeqeen lacag gaareysa 10-milyan oo Dollar , wasiirada ayaana tilmaantay in 2-milyan oo lacagtaasi kamid ah loogu tala galay Ciidamada AMISOM si ay u dar dar galiyaan dagaalada ay AL-Shabaab kala horjeedaan.

Julie Bishop ayaa tilmaantay lacagta 8-milyan ee Dollar wax looga qaban doono arimo dhoor ah oo ay ugu horeeyaan Arimaha Bini’aadanimada , Caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah oo la cabo.

Dowlada Australia ayaa sheegtay in lacagaha Soomaaliya loogu deeqay ay qeyb ka yihiin Maamul Goboleedyada Dalka kajirta, lamina shaacin cida lacagtan Soomaaliya loogu deeqay lagu wareejinayo iyo xiliga la bixinayo intaba.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada