ETHIOPIA:- oo Axmed Madoobe ku war-gelisay maanta hadal uusan ku farxin

ETHIOPIA:- oo Axmed Madoobe ku war-gelisay maanta hadal uusan ku farxin

daajis.com:-Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.

Kulanka labada nin, ayaa la sheegay in runta la isugu sheegay, gaar ahaan dowladda Ethiopia ayaa Axmed Madoobe u sheegtay in uu wareejiyo garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo maadama heshiiskii dowladda iyo maamulkiisa ay ku galeen Adddis Ababa oo ay garwadeenka ka ahayd dowladda Ethiopia uu siddaas dhigayay.

Si kastaba, ma cadda jawaabta uu bixiyay Axmed Madoobe ee ku aadan go’aanka ka soo baxay dowladda Ethiopia.

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Jubba Ibraahim Baajuuni ayaa labo cisho ka hor sheegay in maamulkooda aaney wareejin doonin gegida diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, wuxuuna ku sababeeyay dowladda Soomaaliya in ay dhinaceeda ka soo bixi weysay heshiiska ay lix bilood kala saxiixdeen labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in uu Axmed Madoobe lagu doono madaxda IGAD, Midowga Afrika iyo diplomaasiyiin reer galbeed ah oo galaangal u leh arrimaha Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada