Gen. Muungaab oo si toos ah ula wareegay xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir

Gen. Muungaab oo si toos ah ula wareegay xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir

daajis.com:-Gudoomiyihi hore ee gobolka banaadir Tarsan oo manta xilka wareejiyay khudbad dheerna ka jeediyay madasha.

Waxaa maanta si toos ah xilka Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa
Muqdisho loogu wareejiyay Gen. Xasan Maxamed Xusen Muungaab ka dib xaflad ka
dhacday xarunta gobalka. Gudoomiyaha ayaa hadaalo xasasi ah jeediyay  


Waxaa maanta si toos ah xilka Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa
Muqdisho loogu wareejiyay Xasan Max'ed Xusen Muungaab ka dib xaflad ka
dhacday xarunta gobalka.

Gudoomiyhii Hore ee gabalka Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa xilkaas
wareejiyay iyada oo goobjoog ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Dolada federalka Soomaaliya cabdullahi qodah Bare.


Gudoomiyaha Cusub Muungaab ayaa sheegay in uu ku shaqeyn doono dhax
dhaxaad nimo iyo cadaalad isla markaana uu kaashan doono shacabka Soomaliyeed gaar ahan shacabka Muqdisho.


Gudoomiyaha cusub  ayaa sheegay in hadii aysan hoos imaan isaga Talisyada
Booliiska iyo Nabad sugida uusan wax  ka qaban Karin ammaanka  shacabkana u
sheegaayo in aan lagu eedin arinkaas.

Gen. Muungaab ayaa sheegay in isaga lagula xisaabtami doono
ammaanka Gobalka hadii ay si toos ah u hoos yimaadaan ciidamada
Booliiska iyo Nabad Sugida.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan dhici doonin in guri ku
yaala Muqdisho ay dad xoog ku heystaan isaga oo ballan qaaday in uu ka
saari doono dadka degan guryaha dadoow isla markaana dadkaas uu
Teendooyin ugu dhisi doono xerooyinka ku yaala magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha gobalka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in
Al-Shabaab gacan bir ah lagu qabto isla markaana isaga uu  qabqaban
doono xubnaha Shabaab ka tirsan ee Muqdisho  ku dhumaaleeysanayo shacabkana dhibka joogtada ah ku haayo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada