Maamulka Labada Shabelle loo dhisayo oo lagu tilmaamay mid aan loo dhameyn oo Beelo gaar ah wataan

Maamulka Labada Shabelle loo dhisayo oo lagu tilmaamay mid aan loo dhameyn oo Beelo gaar ah wataan

daajis.com:-Waxaa Maalintii shalay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose lagu qabtay Shir la sheegay in lagu dhisayo Maamul Goboleed la magac Baxay Shabelle State kaa oo loo dhisayo Shacabka ku dhaqan Gobolada Sh/Hoose iyo Sh/Dhaxe.

Waxgaradka kasoo jeeda Gobolada Shabeelooyinka ee hada loo fadhiyo in Maamul loo dhiso ayaa sheegay in kulanka ka dhacay Afgooye aan loo dhameyn halkaasna ay isugu tageen beelo kooban oo gobolka Dega.

Waxgaradka kasoo horjeeda Kulankan ayaa tilmaamay in ay wataan dhisida maamulkan shaqsiyaad gaar ah oo Gobolada Shabeelooyinka aan matalin waxa ayna tilmaameen in dadka daga Goboladaasi lagu qiyaamayo Shirkan.

‘’ Adeer waxaan kuu sheegayaa Maamulka la sheegayo in loo dhisayo Gobolada Shabeelooyinka looma dhamo , Beelaha Gobolka Dega intooda badan waxba kalama socdaan , Barnaamijkan waxaa wata Shaqsiyaad gaar ah oo kasoo jeeda Beesha Abgaal iyo Habar Gidir ‘’ ayuu yiri Nabadoon kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay Shirkan.

Shirka lagu dhisayo Maamulka Labada Shbelle ayaa u muuqda mid howshiisa deg deg lagu wado ,waxaana kulankii ugu horeeyay ee la isugu yimid la sheegay in durba Dastuurka Maamulkaasi yeelan doono lagu ansixiyay.

Dadka Siyaasada daneeya ayaa tilmaamaya ujeedka ka dambeeya Dhisida Maamulka Labada Shabelle in uu yahay mid looga soo horjeedo Maamulada Baydhabo lagu dhisayo oo iyaguna tirsaday Gobolka Sh/Hoose iyagoona kala tashan dadka degan gobolkaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada