Askrta DFS oo ku wajahan Kismaayo Lagu Qaadi Doona Dagaal la Qorsheeyay Hadii....

Askrta DFS oo ku wajahan Kismaayo Lagu Qaadi Doona Dagaal la Qorsheeyay Hadii....

daajis.com:-Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugna Gobolada Jubbooyinka ayaa ku hanjabay in Weerar Xoogan ay ku qaadi doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Sarkaal ka tirsan Dowladda ayaa sheegay hadii DFS aysan go’aan ka soo saarin Heshiiskii IGAD ee Magaalada Addis Ababa in ay Dagaal ku qaadi doonaan Magaalada Kismaayo, sida ay sheegtay SKY FM.
Waxuu Sarkaalkan xusay in aysan u dilqaadan Karin Dilalka bareerka ah ee Shacabka loogu geysanayo Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo isagoona tilmaamay in Axmed Madoobe looga baahan yahay in hadal ka soo saaro Dilalka ay geysanayaan Maleeshiyaadka Raaskambooni.
“Waqtiga Dowladda ay u cilaamisay Maamulida Magaalada Kismaayo Hogoomiye Axmed Madoobe wuu dhamaaday waxuuna diiday in Magaaladaasi uu gacanta u geliyo Dowladda Soomaaliya, marka waxaan ku qasban nahay in Xoogan aan halkaasi uga saarno” intaasi ayuu Sarkaalka hadalkiisa raaciyay.
Hadalka Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubooyinka ayaa waxuu imaanayaa Xili Xalay Magaalada Kismaayo siyaabo kala duwan loogu Dilay Labo Nin oo kala ahaa Ganacsade iyo Dhakhtar caan k ahaa magaaladaasi.


source:- warkii FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada